Tuesday, February 8, 2022

Talooyin texane ah oo la xariira barbaarinta carruurta: Qeybta 3aad:


 1. Ciqaabta: waa hab qaabab kala duwan ay waalidiintu ugu fuliyaan carruurtooda iyagoo aaminsan inay wax ku saxayaan, balse ciqaabta qaabkey doonto ha ahaatee xal waara ma keento, waxa ay dhalisaa calool ku qaad iyo werwer joogta ah. 

Ilmaha la ciqaabayo wuu ku adeecayaa oo amarkaaga wuu qaadanayaa laakin waa waqti kooban, ama waxa uu baranayaa laba wejilenimo habdhaqankiisa ah, markaad joogto sidaad jeceshahay ayuu sameynayaa markaad maqantahayne hab dhaqan ka duwan buu la soo baxayaa.


2. Dambiile ka dhigis: waa hab ka mid ah dhaqanada taban ee waalidiinta qaar, in waalidka indhihiisu la madowyihiin wax kasta oo uu ilmuhu qabto ama fal kasta oo ka yimaada ilmaha uu waalidku ku jawaabo dambiile ayaad tahay.




3. Galladda badan: in markasta ilmaha lagu manna sheegto waxkasta oo loo qabto, lana soo xasuusiyo waxyaabihi aad utartay iyo daal ka aad ka soo martay, waxa ay ka dhigeysaa ilmaha mid daciif ah, ilmuhuna waxa uu isku dayayaa inuu ka baxsado gallad sheegashadaas joogtada ah, taasoo keeni karta in ilmuhu ku dhiirado xatooyo, si uu ubuuxiyo baahiyihiisa guriga la xariirta ama inuu gurigaba ka baxsado ugu dambeynti.


Gallad sheegashadu siyaabo kala duwan ayey noqon kartaa, tusaale ahaan: inti aan kuu soo qabtay kaddib saan maad sameysay? Ama yaan ushaqeeya oo dartiis u daalayaa oon adiga aheyn?



4. Digniinta faraha badan: waa hab kale oo taban, digniinta joogtada ah ee uu la kulmayo ilmaha si joogta ah waxa ay ku keeneysaa inay maskaxdiisa ku dhegto oo uu mar walbo ku fakaro. Tusaale ahaan; haddii aad marwalbo ku tiraahdo inankaaga ‘’ ha cabin buuriga ama sigaarka…’’ waxaa maskaxdiisa ka sameysmaya boos sigaar ka u gaar ah, oo uu furi karo xilli kasta uu dareemo isfaham waa isaga iyo waalidka udhexeeya, taasoo uu jawaab kaga dhigi karo inuu tijaabiyo sigaarka qudhiisa si faduul ah.


Sidaa awgeed waalidku waa inuu xoogga uu saaro waxa uu rabo inuu ilmuhu sameeyo halka aad diiradda ka saari laheyd waxa aadan rabin.



No comments:

Post a Comment