• Ha eegin cibadaadadu inta aay la'egtahay balse waxaad eegta inta aad Alle darti uu qabatay !
• Ha eegin cilmigaagu inta uu la'eg yahay balse waxaad eegta inta aad kaga camal fashay !
• Ha eegin Hantida aad kaydsatay inta aay le'eegtahay balse waxaad eegta inta aad sadaqaysatay ee aad la baxday !
• Ha eegin inta goor ee aad khasaartay balse waxaad eegta inta jeer aad ilaahay casiday !
• Ha eegin asxaabtadu inta ay yihin balse waxaad eegta inta ilaahay ku xasuusisa !
• Ha eegin quruxdaada iyo xogaagu inta uu le'eeg yahay balse waxad eegta inta aad illahay ugu mahadnaqday !
• Ha eegin inta qof ee adiga kugu xidhan balse waxad eegta in aad adigu ku xidhantahay illahay !
• Ha eegin dadka agtooda inta aad sharaf ku leedahay balse waxad eegta in aad illahay agtiisa sharaf ku leedahay !
" Haddi uu illahay adiga ku furay ilbaabka khayrga kuwa xumanta ku jira ha ku eegin daymo xun "
No comments:
Post a Comment