Sunday, February 27, 2022

Siyaasi aan ka fekerin Jiilka soo socda

 

Waa wax aad u wanaagsan in dalka ay sanad walba usoo baxaan dad wax bartay oo aqoonyahanno ah,lakin suaalahan wali ma iş waydiisay 


1.Ardayda Soo baxayda majiraan fursado shaqo oo u diyaarsan?

2.Dhanka kulliyadaha ma yihiin kuwa ka tarjuma fursadda shaqa ee suuqa taala?

3.Majiraan Siyaasiyiin  ama dowladd Dhowr maalin iyo dhowr habeen waqti iyo qarash ku bixiya sidii wax loogu qaban lahaa jiilka kaso baxaya jaamacadaha?

4.Dhalintu iyaga ma yihiin kuwa ka hadla dhibta haysata dhanka shaqa la'aanta?


Suaasha hore marki aan ku bilaabo jawaabtu waxay noqonee maya majiraan fursado shaqo oo u diyaarsan ardaydaas, sababtoo ah ardaygu markuu so qalin  bedesho wuxuu aadaa laba meel midkood

A)Service

B)Product 

Service waa in adeegaa uu noqdo sida in uu shaqa ka raadiyaa dowladda sida wasaaradaha,  maamuladda gobolada , hay'adaha gaarka loo leeyahay, marka si dhab ah loo fiiriyo waa fursad aad ciriiri u ah , isla markaana aan wax muuqdo kuso kordhineyn dalka marka laga reebo in uu yahay qof shaqeeya , 

Product waa in uu ka shaqeeyaa meel wax soo saar ah sida beeraha , warshadaha , tusaale beerihii waxay gacanta ugu jiraan dad gaar ah, mana jirto dowlad u diyaarisay qorsha mideysan oo ku filan dhalinta kaso baxda jaamacadaha gaar ahaan kulliyadaha beeraha , 

Dhanka kale ma jiro warshado aad u waaweyn oo leh wax so saar si ay u shaqaaleysiiyaan dhalinyaro farabadan , taa bedelkeeda dowladdu iyo maamul goboleedyadu waxay diiradda saaraan , in ay qabtaan xafladdo iyo sanad guurooyin aan lahayn natiijo, iyo in calan aan qiimo lahayn lagu faano, heeso iyo qiiro aan qalbiga jirin dadka loo muujiyo.

Suaasha labaad ee ah dhanka kulliyadaha majiraan kulliyada dalka iyo dadka Anfaca oo aad xooga loo saaro , tirikoob ay sameysay hay'adda iftin education sanadkii 2020 waxay muujineysaa in ardayda ay aad u barteen maamulka iyo maareynta oo ah nooc kamid ah Service ka lkn majiro product 



Suaasha sadaxaad ee ku saabsan siyaasiyiinta, 

Inta badan siyaasiyiintu waxay isku magacaabaan in ay yihiin saamileyda siyaasadda dalka, mana jiro siyaasi caruurtiisa ay dalka joogaan oo wax ku bartaan , hadana 24saac wuxuu xooga saaraa sidii uu jagadiisa u difaaca lahaa ama mid cusub uu ku kasba lahaa, iska daa in uu Dal iyo jiil soo socda ka fekeree , hantidii jiilka soo socda ayay xaraashaan qaarkood .


Suaasha afaraad dhalinyarada iyagana dhaliishooda ayaa ah in ay u saçan tumaan siyaasiyiinta iyagoo ku difaacaya qabiil iyo wax aan jirin, halka ay ahayd in ay ka aamusaan ilaa ay arkaan wax qabad muuqda ,

Bal adigu ku darso fekerkaaga

No comments:

Post a Comment