Monday, February 7, 2022

Mashruucii La dagaalanka Nuurka Qaybtii 3-aad

 




Mashruucii La dagaalanka Nuurka Qaybtii 3-aad


Waxaa i luraya in aan ogaado sababta uu u rabo ‘dagaalka barri’, annoo aad moodo in jiidhku ii damqaday dadkayga ayaan la soo booday waakan dhacaya ee maxay ilaa xadkaa muhiim idiinku noqotay inaad weerarkan qaadaan. Paul, isaga oo aan ii jawaabin ayuu eegay ergay kale. Wuxuu igu yidhi, ‘walaal Berg ayaa kuu furi doona boggaas.’
Berg ayaa hadalkii qaatay, wuxuu yidhi:
Waxaan ka fikiraynaa in aanu isku beegno qaska Sanaag iyo qabsashada Qudus. Waxaan weydiiyay waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya Sanaag iyo Qudus. Wuxuu ii sheegay markii u horaysay dunida in ay ku guulaysteen faafinta jahliga iyo qarinta cilmiga dhabta ah. Qaar badan Phd iyo master ayaanu dhabarka kaga qornay haddana cilmiga runta ah waanu ka qadinay.
Way yar yihiin cidda taqaan cilmiga sida dhacdooyinka dhulku isku saameeyaan iyo muhiimada dhuleed ee ka dhaxaysa Sanaag iyo Qudus. Qoladan Muslimka waxaa loo sii sheegay in marka ay camiranto Qudus in Yatrib (Madina) ay xidhmayso -sirtan waxa haya inyar oo ka mid ah dadka awoodda laga ilaaliyo.
Paul McMillan ayaa ku soo noqday isagoo wardoonkayga ka jecel in aan amarradiisa qaato:
Wuxuu igu yidhi, ‘dhawaan ayaad dalkii ku noqonaysaa, waxaanu kuu boqri doonaa mataan.’ Degdeg ayaanu u rabnaa in aan beerno midho aynu mustaqbalka dhow goosano. Si aydun u sumaysaan quluubaha madhan waa in aydun adeegsataan qalabkan aan ku siiyay. Wuxuu igu yidhi markaad doonaysid in aad biiso dalaga beeraha shinnida ayaa la beddelaa, marka aad doonayso in aad xumayso hab fikirka wanaagsan wax dadku akhrisanayo ayaa la abuuraa.
Xikmaawi Shiinays ah ayaa laga hayay, ‘haddii qorshahaagu yahay 1 sanno bariis beerro, haddii uu yahay 10 sanno dhir beer, haddiise uu yahay 100 sanno carruur wax bar.’ Innaga qorshaha Ina eryayaa waa ka duwan yahay taa, waxaanu ka cararaynaa cadceed galbeed ka soo baxaysa oo aan la garanayn goor ay dilaaci. Waxaa gebbi ahaanba isbeddelaya 2012 qorshe 300 sanno noo soo shaqeeyay. Way adag tahay in aanu maamulno xataa doqmihii, wax walba waxay u shaqaynayaan si lid nagu ah. Ma garanayno siday wax u dhacayaan.
Waxaan dalka ka soo degay aniga oo sita buug badan oo falsafad ah oo ay qoreen ragga ay ka mid yihiin Aristotle, Plato, Socrates, Hegel, Locke, Tolstoy iyo qaar kale oo badan. Kulamadii oo halkoodii ka sii socda ayaan buugta u qaybiyay dhallinyar dhowr ah, waxaan ku idhaahdaa erayo beer-lawaxsi ah oo aan qalbigooda ku xadayo. Waxaan ugu yeedhaa Platahii Soomaalida ayaad tahay, waxaan dareemayaa in ay qab gelisay; waxaanse ogahay kuwa gashada kabaha falsafada iyagoon aqoon fiican lahayn in ay galaan mugdi.
Markii ugu horaysay qolo aan dalka ka bixin ayaa baraha bulshada ku soo qortay erayo ceebayn ku ah asalka diinta Islaamka, waxaanay shaki geliyeen iimaankooda. Arrintaas urrurku si weyn ayuu iigu soo hambalyeeyay, Paul McMillan ayaa ii soo qoray fariin gaaban oo aanan wada fahmin:
“Waxa la gaadhay waqtigii uu soo bixi lahaa BOQORKII QARSOONAA.”
Fariinta markaan akhriyay ayay anoo arkaya is masaxday iyadoo gubanaysa. Argagax iyo cabsi ayaan dareemay -wadnahayguna wuu gariirayaa. Waxaan weydiiyay waxa fariintii gubay. Wuxuu ii sheegay in ay Jinka heshiis kula jiraan oo ay arrimo badan ka wada shaqeeyaan. Qabiilooyin kala duwan ayay leeyihiin hadda reerka noo qaabilsan Internet-ka waxaa la yidhaa ZILLA...halkaa markuu marayo ayuu is-maray oo ka cadhooday inuu sirtaas sii dhexgalo.
Waxaan la xidhiidhay Koonfurta anigoo doonaya in mashruuca ku faafiyo dhulka Soomaalidu degto. Muqdisho hawsheeda wiil yar ayaan u dirayaa ayaan ku idhi Paul, wuxuu igu yidhi, ‘Muqdisho waxaan u naqaan Vatican City, markaa wakiillo badan ayaa noo joogo.’ Halkaa ayaan kaga hadhay oo waxaan ogaaday in aanan keli ku ahayn dagaalka dahsoon.
Maalintii danbe anigoo hudheel cunto ka cunaya ayaa nin baahan uu na soo dul istaagay, waxba ma hayno ayaan ku idhi, wuxuu igu yidhi, ‘waxba ma haysid oo waa la hubaaye, Muqdisho waxaa loogu magac daray Ismaaciil Maqaadishi; waa nin Awliyo reer sheekh Isaxaaq ah, hawlihiinuna waa fashil.’ Naxdin ayaan qaaday, cuntadii ayaa iga degi wayday. Habeenkii waan seexan kari waayay, waxaan garwaaqsaday in ay jirto cid og tallaabo kasta oo aanu qaadno. Subixii ayaan dalbaday wastaad laban ku xaniba daaqadaha guriga aan ka degannahay Hargeysa.

No comments:

Post a Comment