Friday, February 4, 2022

Mashruucii Ladagaalanka Nuurka Qaybtii 2-aad




Markaas ayaa cabsi igu abuurantay. Waxaan jeclaystay in aanan halkan iman, waxaase cod guddaha igala hadlay igu yidhi, ‘xog badan aad ogaatide adkayso.’ Cidda ila hadlaysa ma garan ee berri danbe ayaan ogaan doonaa in uu igu shaqaysanayo xoog ka awood badan kuwan aan ku biiray. 


Paul wuu i dareemay in buuq igu furan yahay, waxaanu ii sheegay markaan koro salaanka kala saraynta in cabsidu iga baabi’i doonto laakiin la iiga baahan yahay naf-hurid laxaad leh. Wuxuu si toos ah iigu sheegay baahida xilligan keentay in loo baahdo dad Soomaali ah oo guddaha ka dagaallama.


Waqtigan waxaa nagu adkaatay in aan dibedda kala dagaalanno, weliba wax walba waxay isbeddeli doonaan marka la gaadho December, 21, 2016. Waxaan jeclaystay in ogaado sababta xilligaas wax walba isku beddelayaan. Waxaad moodaa inuu maqlayo faqa guddahayga ka socda, wuxuu ii sheegay in xog badan oo aan loo sheegi jirin xubnaha Dark Marrowbone aan nasiib u helay in la ii furo. Sirtan waxaa la siin jiray inta darajadoodu ugu hoosayso 21, cidda fashilisana xukunkoodu wuxuu ahaa dil.


Wuxuu igu yidhi, ‘ hadda, sixirkii aanu dhulkaas kula dagaalami jirnay wuu naga istaagay, 2012 waxaa kor u kacaya quwada ruuxda Aadamaha oo halis weyn ku haysa qorshe-weynaha aanu ku dhaxlayno awoodda dunida.’ December, 21, 2016 marka la gaadhana waxaa cirka ka soo muuqanaya xidig cusub oo awood badan, xidigaasi markuu soo daahiro ma shaqayn doono qorshe kasta oo aanu ka leenahay dhulka Soomaalida. 


Dagaalkii hore ee noo qorshaysnaa waanu fulin doonaa inta aan la gaadhin 2016. Dhulka Soomaalida waxaanu qorshaynay in 5 maamul loo qaybiyo, waxaa sidoo kale 1884 aanu miiska soo dhignay in marka la gaadho 2020 aanu dhulka Soomaalida ka samayno 10 dawladdood oo mid kastaa cadow ku tahay ta jaarka la ah. 


Halkaas, markuu marinayo ayuu joojiyay hadalkii, waxaanu ii sheegay in xogta inta hadhay la i siin doona markaan fuliyo hawlgalka koowaad ee qorshaha gacanta la iga saaray. Qolkii madoobaa ayuu iga soo saaray, waxaanu i keenay qol dhiig ka soo urayo. Biyo ayuu madaxa igaga shubay. Waxaanan markii koowaad usoo dhoofay dalkayga anigoo cadow ku ah. 


21 July 2007 ayaan ka soo dagay madaarka Hargeysa. Cabsi ayaa dabooshay qalbigayga, waxaase ay hore iigu soo sheegeen wadanku in aanu lahayn sirdoon difaaca. Qolada qudha ee la igu dardaaray in aan ka feejignaado waa qolo wadanka ilaalisa oo suuqa iska joogta, dadkuna aanay aqoon awooddooda iyo wejiyadoodaba. Judhiiba laba guri ayaan ka kiraystay Masalaha iyo Jigjigo yar waa labada xaafadood ee aad hawlahaaga si fiican uga fushan karto. 


Waxaan ku tallo jiraa in aan hantiyo dhallinyar badan oo gabdho iyo wiilal ba leh. Waxaan ku kasbanayaa lacag iyo indho-sarcaad. Mustaqbal qurux badan ayaan u sawirayaa. Labadaas gurri ayaan kulan ugu qabtaa. Hawlihii oo meel fiican ii maraya ayuu ila soo hadlay, waxaa la igu amray in aan tago gobolka Sanaag oo aan fuulo buurta Cirshiida. 2:00 habeennimo ayaan fuulay, subaxii ayay fariin ii soo direen oo yidhaahdeen xalay waxaad fuushay buurta sidda sirta wadankaas. Waxaase la i faray in aan degdeg uga soo baxo dalka oo noloshaydu khatar ku jirto. 


Dhaadhaca Daallo markaan marayo ayuu nin cawlan nagu joojiyay buurta hoosteeda wuxuu igu yidhi, ‘kuwa ku soo diray Sanaag ayaa awooddoodu ku idlaan, haddaad mar danbe timaadana waad eedi, haddana fariinta gaadhsii walaalahaaga madow.’ Cabsi ayaa igu dhacday, waanan baqayay ilaa aan ka degay madaarka Heathrow. 


Paul McMillan ayaan ku booqday xaruntii urrurka, si diiran ayuu ii qaabilay wuxuu ii sheegay in aan gaadhay meel ay iyagu ka baqaan. Wuxuu ku daray in ay Sanaag qorshe ka leeyihiin. Hadda, waxaan kuu furayaa bog kale oo sir ah. Wuxuu yidhi, ‘intii aan ku mashquulsanayn dagaalkii Ciraaq halkan waxaa laga taagay calan Tawxiid leh.’ Waanu garan waynay halka ay naga hoos martay. 


1998 ayaanu ogaanay in awood ka soo baxayso halkaas. Arrintii ayaa ay ka wada hadleen Maraykanka, Ingiriiska iyo Israa’iil. Ingiriiska iyo Israa’iil waxay yidhaahdeen hadda aan la dagaalanno, Maraykankuna wuxuu yidhi aan eegno sida ay u soo baxayso. Hadda, waanu garan laanahay si aanu yeelno. 


Wuxuu iigu daray in ay ciidamo geyn doonaan badda cas, iyagoo abuuraya budhcad baddeed ay ka dhigtaan foodsaaro iyo sabab ay ciidamadooda ku keenaan badda. Waxaan arkayaa qorshihii oo u fulaya siddii Paul McMillan iigu sii sheegay. Taas waxa ka daran ta maanta socota, wuxuu si cad iigu sheegay 2016 in ay Somaliland ka soo weerarayaan dhinaca barri.

No comments:

Post a Comment