Saturday, February 12, 2022

Mashuurcii la dagaalanka Nuurka qaybtii 4aad


 


Waxaan ka cawday in aanan ku noolaan karin cabsi joogto ah. Paul wuxuu igu qanciyay oo uu igu dajiyay in ay dhawaan dalka keeni doonaan ciidan difaaca danahayaga iyo wakiillada qarsoon ee noo adeegga. Waan ku niyadsamaaday balanqaadkaas, ha yeeshee waxaan mar walba ku noolaa cabsi iyo werwer joogto ah. 


Marka kasta oo qof i salaamo, waxaan dareemi jiray naxdin sidii oo uu og yahay arrimaha aan faraha kula jiro. Qof kasta oo aqoon u leh akhrinta wejiyada ayaa sawiran karayay hawlaha aan wado -si aanay taasi u dhicin mar keliya indhaha ma siin jirin cidna. 


Fariin ayaa ii soo dhacday la igu farayo in aan madaarka ka soo qaado gabadh. Gabadhu maaha mid ka tirsan urrurka laakiin waxay iigu sheegeen in ay tahay kuwa taabacsan mabaadiida aanu aaminsannahay. Sidii baan yeelay, subixii ayaa soo qaaday gabadh xijaaban oo ay ka muuqato dhowrsanaan. Waxaa isku kay qabanwayday muuqeeda iyo waxa la iiga sheegay. 


Waxaan ka warsaday sababta ay dalka u timid, waxay ii sheegtay in ay ka qaybgalayso kulan samofal ah iyadoo ay soo casuuntay ha’yad ka mid ah kuwa qaramada midoobay. Kulankii ayay ka qaybgashay iyadoo aan u fahmay in la doonayo in ay hablaha tusaale u noqoto. kulamo hoose ayaa loogu sii balamiyay in ay la qaadato hablo gaar ah. 


Markay hawlaheedii dhamaysatay ayaanu habeenkii casho la qaadanay islaan cad oo madax ka ah ha’yadda. Iyadoo dhaqankeedii beddeshay ayay farxad isku qaabileen islaantii. Anigu waan daawanayaa siday iskula jaanqaadeen, waxaase madax wareer ka qaaday oo igu weynaatay waxa afkeeda ka soo baxay gabadhii. Si toos ah ayay afka ugu balaadhisay iyadoo islaantii ku leh aan kuu bushaareeyo, islaantii ayaa ku hal celisay iga farxi. 


Waxay tidhi ku bishaarayso “hadda ka dib, Jiilkani khatar inaguma aha.” Waxay sii raacisay in hayso oo ay farta ka saarayso xogtii laga urruriyay Internet-ka oo cadaynaysa in ay kor u kacday ilaa xad dhallinyarta daawata filimada xun iyo waxay ku magacowday ‘porno’. Fajaciso ayaa igu dhacday oo waxaan garwaaqsaday in jiil dhan nuurkii qalbiga ay madoobaysay daawashada xumaanta iyo sinnada lagu faafiyo internet-ka. 


Kenya ayaanu isku raacnay subixii xigay. Markay gababdhii Nairobi gaadhay waxay la soo baxday dhaqan cusub oo ahaa kii aan ka malaysanayay. Maryihii ayay tuurtay oo intay sidii hablaha reer galbeedka u labisatay ayay dhex gashay gaalo badan. Waxyaabaha ay samaynaysay waan ka tacajabay. Anigu Nairobi wax badan kuma hakan, waxaan u sii dhaafay Lisbon oo la igu soo casuumay shir qarsoon oo lagaga arrinsanayo siduu u eekaan doono mustaqbalka siyaasaddeed ee Soomaalidu. 


Shirkii waxaan kula kulmay Berg oo ahaaba shaqsiga guddoominayay hawlaha la hayo. Waxay isla soo qaadeen sidii Soomaalidu loogu samayn lahaa nidaam Federaal oo sii murgiya mushkiladaha ay hadda dhex dabaalanayaan. 


Sidoo kale waxay is tuseen in Federaalku yahay hab aynu ku joojin karaan calanka Tawxiidka leh ee ay reer Somaliland saarteen; waxay yidhaahdeen calankaas ayaynu ku dul dhisaynaa calanka buluuga ah. Qolo xagjir ah ayaa ku dooday in Soomaalida laga qaado xaqa aayo-ka-tashiga oo gacanta loo geliyo UN-ta ama wadamada jaarka. 


Markuu shirkii dhamaaday waxaa la isla qaatay in Soomaalida loo sameeyo nidaam Federaal oo qas ku salaysan. Berg ayaa si gooni ah iigu sheegay in ay meel dhigteen go’aanka ah in Soomaalida laga ilaaliyo laba:


1. In ay Soomaalidu isku maamusho shareecadda Islaamka 

2. Iyo in Soomaalidu yeelato dawlad dhexe oo adag

No comments:

Post a Comment