Sunday, February 27, 2022

Siyaasi aan ka fekerin Jiilka soo socda

 

Waa wax aad u wanaagsan in dalka ay sanad walba usoo baxaan dad wax bartay oo aqoonyahanno ah,lakin suaalahan wali ma iş waydiisay 


1.Ardayda Soo baxayda majiraan fursado shaqo oo u diyaarsan?

2.Dhanka kulliyadaha ma yihiin kuwa ka tarjuma fursadda shaqa ee suuqa taala?

3.Majiraan Siyaasiyiin  ama dowladd Dhowr maalin iyo dhowr habeen waqti iyo qarash ku bixiya sidii wax loogu qaban lahaa jiilka kaso baxaya jaamacadaha?

4.Dhalintu iyaga ma yihiin kuwa ka hadla dhibta haysata dhanka shaqa la'aanta?


Suaasha hore marki aan ku bilaabo jawaabtu waxay noqonee maya majiraan fursado shaqo oo u diyaarsan ardaydaas, sababtoo ah ardaygu markuu so qalin  bedesho wuxuu aadaa laba meel midkood

A)Service

B)Product 

Service waa in adeegaa uu noqdo sida in uu shaqa ka raadiyaa dowladda sida wasaaradaha,  maamuladda gobolada , hay'adaha gaarka loo leeyahay, marka si dhab ah loo fiiriyo waa fursad aad ciriiri u ah , isla markaana aan wax muuqdo kuso kordhineyn dalka marka laga reebo in uu yahay qof shaqeeya , 

Product waa in uu ka shaqeeyaa meel wax soo saar ah sida beeraha , warshadaha , tusaale beerihii waxay gacanta ugu jiraan dad gaar ah, mana jirto dowlad u diyaarisay qorsha mideysan oo ku filan dhalinta kaso baxda jaamacadaha gaar ahaan kulliyadaha beeraha , 

Dhanka kale ma jiro warshado aad u waaweyn oo leh wax so saar si ay u shaqaaleysiiyaan dhalinyaro farabadan , taa bedelkeeda dowladdu iyo maamul goboleedyadu waxay diiradda saaraan , in ay qabtaan xafladdo iyo sanad guurooyin aan lahayn natiijo, iyo in calan aan qiimo lahayn lagu faano, heeso iyo qiiro aan qalbiga jirin dadka loo muujiyo.

Suaasha labaad ee ah dhanka kulliyadaha majiraan kulliyada dalka iyo dadka Anfaca oo aad xooga loo saaro , tirikoob ay sameysay hay'adda iftin education sanadkii 2020 waxay muujineysaa in ardayda ay aad u barteen maamulka iyo maareynta oo ah nooc kamid ah Service ka lkn majiro product 



Suaasha sadaxaad ee ku saabsan siyaasiyiinta, 

Inta badan siyaasiyiintu waxay isku magacaabaan in ay yihiin saamileyda siyaasadda dalka, mana jiro siyaasi caruurtiisa ay dalka joogaan oo wax ku bartaan , hadana 24saac wuxuu xooga saaraa sidii uu jagadiisa u difaaca lahaa ama mid cusub uu ku kasba lahaa, iska daa in uu Dal iyo jiil soo socda ka fekeree , hantidii jiilka soo socda ayay xaraashaan qaarkood .


Suaasha afaraad dhalinyarada iyagana dhaliishooda ayaa ah in ay u saçan tumaan siyaasiyiinta iyagoo ku difaacaya qabiil iyo wax aan jirin, halka ay ahayd in ay ka aamusaan ilaa ay arkaan wax qabad muuqda ,

Bal adigu ku darso fekerkaaga

Friday, February 18, 2022

Khudbadii Jimcada Ee Maanta

 

Khudbadii maanta Jimcaha Mowduuceedii 

،حسن الخلق،Akhlaaqda wanaagsan 

Nabigeena Muxammad Calayhi Salaatu wasalaam wuxu allah ku sifeeyey inuu ahaa mid Akhlaaq aad u weyn lahaa  وإنك لعلى خلق عظيم 


Nabiguna (Scw) wuxuu yiri maalinta qiyaamaha ku iigu kiin soo dhaw waa kuwa akhlaaqda wanaagsan أقاربكم عند ي يوم القيامة أحاسنكم أخلاقا 


In aad akhalaaqdaada wanaaajisaa waxay leedahay sharaf iyo boos aad u weyn xagga alle , 


Shiiqa khudbadda wuxuu kaloo ka hadlay Qabiilka in loogu talagalay in la isku barto ee aanan la isku liidin oo Qof qofka kale ka sareeya inuusan jirin ilaa Cabsida alle ayaa lagu kala sarreeyaa


إن أكرمكم عند الله أتقاكم ، 

Qabiil in la isku liidaa way reebtay diinteena, wuxuu tusaale u soo qaatay xilli xilliyada ka mid ah Nin ayaa masjid ka istaagay wuxuu dhahay waxa ii joogo laba gabar oo guur gaaray waxan rabaa laba qof oo aan u guuriyo midka mid ah jameecada masjidka ayaa gacanta taagay oo ninka ay qaraabo ahaayeen wuxu dhahay anigaa guursanayo mid kamid ah gabdhahaaga,  wax yar kadib waxa gacanta taagay nin kale lkn kasoo jeedo qabiilada la hayb sooco ama faquuqo guurkooda wuxuu dhahay adeer anigaa diyaar u ah inan guursado gabadhaada kale , ninkii gabadha dhalay ayaa ku jawaabay ' Masaajidka cayaarta ka daa , gabadheyda kuuma guurinayee '

Saturday, February 12, 2022

Mashuurcii la dagaalanka Nuurka qaybtii 4aad


 


Waxaan ka cawday in aanan ku noolaan karin cabsi joogto ah. Paul wuxuu igu qanciyay oo uu igu dajiyay in ay dhawaan dalka keeni doonaan ciidan difaaca danahayaga iyo wakiillada qarsoon ee noo adeegga. Waan ku niyadsamaaday balanqaadkaas, ha yeeshee waxaan mar walba ku noolaa cabsi iyo werwer joogto ah. 


Marka kasta oo qof i salaamo, waxaan dareemi jiray naxdin sidii oo uu og yahay arrimaha aan faraha kula jiro. Qof kasta oo aqoon u leh akhrinta wejiyada ayaa sawiran karayay hawlaha aan wado -si aanay taasi u dhicin mar keliya indhaha ma siin jirin cidna. 


Fariin ayaa ii soo dhacday la igu farayo in aan madaarka ka soo qaado gabadh. Gabadhu maaha mid ka tirsan urrurka laakiin waxay iigu sheegeen in ay tahay kuwa taabacsan mabaadiida aanu aaminsannahay. Sidii baan yeelay, subixii ayaa soo qaaday gabadh xijaaban oo ay ka muuqato dhowrsanaan. Waxaa isku kay qabanwayday muuqeeda iyo waxa la iiga sheegay. 


Waxaan ka warsaday sababta ay dalka u timid, waxay ii sheegtay in ay ka qaybgalayso kulan samofal ah iyadoo ay soo casuuntay ha’yad ka mid ah kuwa qaramada midoobay. Kulankii ayay ka qaybgashay iyadoo aan u fahmay in la doonayo in ay hablaha tusaale u noqoto. kulamo hoose ayaa loogu sii balamiyay in ay la qaadato hablo gaar ah. 


Markay hawlaheedii dhamaysatay ayaanu habeenkii casho la qaadanay islaan cad oo madax ka ah ha’yadda. Iyadoo dhaqankeedii beddeshay ayay farxad isku qaabileen islaantii. Anigu waan daawanayaa siday iskula jaanqaadeen, waxaase madax wareer ka qaaday oo igu weynaatay waxa afkeeda ka soo baxay gabadhii. Si toos ah ayay afka ugu balaadhisay iyadoo islaantii ku leh aan kuu bushaareeyo, islaantii ayaa ku hal celisay iga farxi. 


Waxay tidhi ku bishaarayso “hadda ka dib, Jiilkani khatar inaguma aha.” Waxay sii raacisay in hayso oo ay farta ka saarayso xogtii laga urruriyay Internet-ka oo cadaynaysa in ay kor u kacday ilaa xad dhallinyarta daawata filimada xun iyo waxay ku magacowday ‘porno’. Fajaciso ayaa igu dhacday oo waxaan garwaaqsaday in jiil dhan nuurkii qalbiga ay madoobaysay daawashada xumaanta iyo sinnada lagu faafiyo internet-ka. 


Kenya ayaanu isku raacnay subixii xigay. Markay gababdhii Nairobi gaadhay waxay la soo baxday dhaqan cusub oo ahaa kii aan ka malaysanayay. Maryihii ayay tuurtay oo intay sidii hablaha reer galbeedka u labisatay ayay dhex gashay gaalo badan. Waxyaabaha ay samaynaysay waan ka tacajabay. Anigu Nairobi wax badan kuma hakan, waxaan u sii dhaafay Lisbon oo la igu soo casuumay shir qarsoon oo lagaga arrinsanayo siduu u eekaan doono mustaqbalka siyaasaddeed ee Soomaalidu. 


Shirkii waxaan kula kulmay Berg oo ahaaba shaqsiga guddoominayay hawlaha la hayo. Waxay isla soo qaadeen sidii Soomaalidu loogu samayn lahaa nidaam Federaal oo sii murgiya mushkiladaha ay hadda dhex dabaalanayaan. 


Sidoo kale waxay is tuseen in Federaalku yahay hab aynu ku joojin karaan calanka Tawxiidka leh ee ay reer Somaliland saarteen; waxay yidhaahdeen calankaas ayaynu ku dul dhisaynaa calanka buluuga ah. Qolo xagjir ah ayaa ku dooday in Soomaalida laga qaado xaqa aayo-ka-tashiga oo gacanta loo geliyo UN-ta ama wadamada jaarka. 


Markuu shirkii dhamaaday waxaa la isla qaatay in Soomaalida loo sameeyo nidaam Federaal oo qas ku salaysan. Berg ayaa si gooni ah iigu sheegay in ay meel dhigteen go’aanka ah in Soomaalida laga ilaaliyo laba:


1. In ay Soomaalidu isku maamusho shareecadda Islaamka 

2. Iyo in Soomaalidu yeelato dawlad dhexe oo adag

Tuesday, February 8, 2022

Talooyin texane ah oo la xariira barbaarinta carruurta: Qeybta 3aad:


 1. Ciqaabta: waa hab qaabab kala duwan ay waalidiintu ugu fuliyaan carruurtooda iyagoo aaminsan inay wax ku saxayaan, balse ciqaabta qaabkey doonto ha ahaatee xal waara ma keento, waxa ay dhalisaa calool ku qaad iyo werwer joogta ah. 

Ilmaha la ciqaabayo wuu ku adeecayaa oo amarkaaga wuu qaadanayaa laakin waa waqti kooban, ama waxa uu baranayaa laba wejilenimo habdhaqankiisa ah, markaad joogto sidaad jeceshahay ayuu sameynayaa markaad maqantahayne hab dhaqan ka duwan buu la soo baxayaa.


2. Dambiile ka dhigis: waa hab ka mid ah dhaqanada taban ee waalidiinta qaar, in waalidka indhihiisu la madowyihiin wax kasta oo uu ilmuhu qabto ama fal kasta oo ka yimaada ilmaha uu waalidku ku jawaabo dambiile ayaad tahay.




3. Galladda badan: in markasta ilmaha lagu manna sheegto waxkasta oo loo qabto, lana soo xasuusiyo waxyaabihi aad utartay iyo daal ka aad ka soo martay, waxa ay ka dhigeysaa ilmaha mid daciif ah, ilmuhuna waxa uu isku dayayaa inuu ka baxsado gallad sheegashadaas joogtada ah, taasoo keeni karta in ilmuhu ku dhiirado xatooyo, si uu ubuuxiyo baahiyihiisa guriga la xariirta ama inuu gurigaba ka baxsado ugu dambeynti.


Gallad sheegashadu siyaabo kala duwan ayey noqon kartaa, tusaale ahaan: inti aan kuu soo qabtay kaddib saan maad sameysay? Ama yaan ushaqeeya oo dartiis u daalayaa oon adiga aheyn?



4. Digniinta faraha badan: waa hab kale oo taban, digniinta joogtada ah ee uu la kulmayo ilmaha si joogta ah waxa ay ku keeneysaa inay maskaxdiisa ku dhegto oo uu mar walbo ku fakaro. Tusaale ahaan; haddii aad marwalbo ku tiraahdo inankaaga ‘’ ha cabin buuriga ama sigaarka…’’ waxaa maskaxdiisa ka sameysmaya boos sigaar ka u gaar ah, oo uu furi karo xilli kasta uu dareemo isfaham waa isaga iyo waalidka udhexeeya, taasoo uu jawaab kaga dhigi karo inuu tijaabiyo sigaarka qudhiisa si faduul ah.


Sidaa awgeed waalidku waa inuu xoogga uu saaro waxa uu rabo inuu ilmuhu sameeyo halka aad diiradda ka saari laheyd waxa aadan rabin.



Monday, February 7, 2022

Mashruucii La dagaalanka Nuurka Qaybtii 3-aad

 




Mashruucii La dagaalanka Nuurka Qaybtii 3-aad


Waxaa i luraya in aan ogaado sababta uu u rabo ‘dagaalka barri’, annoo aad moodo in jiidhku ii damqaday dadkayga ayaan la soo booday waakan dhacaya ee maxay ilaa xadkaa muhiim idiinku noqotay inaad weerarkan qaadaan. Paul, isaga oo aan ii jawaabin ayuu eegay ergay kale. Wuxuu igu yidhi, ‘walaal Berg ayaa kuu furi doona boggaas.’
Berg ayaa hadalkii qaatay, wuxuu yidhi:
Waxaan ka fikiraynaa in aanu isku beegno qaska Sanaag iyo qabsashada Qudus. Waxaan weydiiyay waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya Sanaag iyo Qudus. Wuxuu ii sheegay markii u horaysay dunida in ay ku guulaysteen faafinta jahliga iyo qarinta cilmiga dhabta ah. Qaar badan Phd iyo master ayaanu dhabarka kaga qornay haddana cilmiga runta ah waanu ka qadinay.
Way yar yihiin cidda taqaan cilmiga sida dhacdooyinka dhulku isku saameeyaan iyo muhiimada dhuleed ee ka dhaxaysa Sanaag iyo Qudus. Qoladan Muslimka waxaa loo sii sheegay in marka ay camiranto Qudus in Yatrib (Madina) ay xidhmayso -sirtan waxa haya inyar oo ka mid ah dadka awoodda laga ilaaliyo.
Paul McMillan ayaa ku soo noqday isagoo wardoonkayga ka jecel in aan amarradiisa qaato:
Wuxuu igu yidhi, ‘dhawaan ayaad dalkii ku noqonaysaa, waxaanu kuu boqri doonaa mataan.’ Degdeg ayaanu u rabnaa in aan beerno midho aynu mustaqbalka dhow goosano. Si aydun u sumaysaan quluubaha madhan waa in aydun adeegsataan qalabkan aan ku siiyay. Wuxuu igu yidhi markaad doonaysid in aad biiso dalaga beeraha shinnida ayaa la beddelaa, marka aad doonayso in aad xumayso hab fikirka wanaagsan wax dadku akhrisanayo ayaa la abuuraa.
Xikmaawi Shiinays ah ayaa laga hayay, ‘haddii qorshahaagu yahay 1 sanno bariis beerro, haddii uu yahay 10 sanno dhir beer, haddiise uu yahay 100 sanno carruur wax bar.’ Innaga qorshaha Ina eryayaa waa ka duwan yahay taa, waxaanu ka cararaynaa cadceed galbeed ka soo baxaysa oo aan la garanayn goor ay dilaaci. Waxaa gebbi ahaanba isbeddelaya 2012 qorshe 300 sanno noo soo shaqeeyay. Way adag tahay in aanu maamulno xataa doqmihii, wax walba waxay u shaqaynayaan si lid nagu ah. Ma garanayno siday wax u dhacayaan.
Waxaan dalka ka soo degay aniga oo sita buug badan oo falsafad ah oo ay qoreen ragga ay ka mid yihiin Aristotle, Plato, Socrates, Hegel, Locke, Tolstoy iyo qaar kale oo badan. Kulamadii oo halkoodii ka sii socda ayaan buugta u qaybiyay dhallinyar dhowr ah, waxaan ku idhaahdaa erayo beer-lawaxsi ah oo aan qalbigooda ku xadayo. Waxaan ugu yeedhaa Platahii Soomaalida ayaad tahay, waxaan dareemayaa in ay qab gelisay; waxaanse ogahay kuwa gashada kabaha falsafada iyagoon aqoon fiican lahayn in ay galaan mugdi.
Markii ugu horaysay qolo aan dalka ka bixin ayaa baraha bulshada ku soo qortay erayo ceebayn ku ah asalka diinta Islaamka, waxaanay shaki geliyeen iimaankooda. Arrintaas urrurku si weyn ayuu iigu soo hambalyeeyay, Paul McMillan ayaa ii soo qoray fariin gaaban oo aanan wada fahmin:
“Waxa la gaadhay waqtigii uu soo bixi lahaa BOQORKII QARSOONAA.”
Fariinta markaan akhriyay ayay anoo arkaya is masaxday iyadoo gubanaysa. Argagax iyo cabsi ayaan dareemay -wadnahayguna wuu gariirayaa. Waxaan weydiiyay waxa fariintii gubay. Wuxuu ii sheegay in ay Jinka heshiis kula jiraan oo ay arrimo badan ka wada shaqeeyaan. Qabiilooyin kala duwan ayay leeyihiin hadda reerka noo qaabilsan Internet-ka waxaa la yidhaa ZILLA...halkaa markuu marayo ayuu is-maray oo ka cadhooday inuu sirtaas sii dhexgalo.
Waxaan la xidhiidhay Koonfurta anigoo doonaya in mashruuca ku faafiyo dhulka Soomaalidu degto. Muqdisho hawsheeda wiil yar ayaan u dirayaa ayaan ku idhi Paul, wuxuu igu yidhi, ‘Muqdisho waxaan u naqaan Vatican City, markaa wakiillo badan ayaa noo joogo.’ Halkaa ayaan kaga hadhay oo waxaan ogaaday in aanan keli ku ahayn dagaalka dahsoon.
Maalintii danbe anigoo hudheel cunto ka cunaya ayaa nin baahan uu na soo dul istaagay, waxba ma hayno ayaan ku idhi, wuxuu igu yidhi, ‘waxba ma haysid oo waa la hubaaye, Muqdisho waxaa loogu magac daray Ismaaciil Maqaadishi; waa nin Awliyo reer sheekh Isaxaaq ah, hawlihiinuna waa fashil.’ Naxdin ayaan qaaday, cuntadii ayaa iga degi wayday. Habeenkii waan seexan kari waayay, waxaan garwaaqsaday in ay jirto cid og tallaabo kasta oo aanu qaadno. Subixii ayaan dalbaday wastaad laban ku xaniba daaqadaha guriga aan ka degannahay Hargeysa.

Saturday, February 5, 2022

Ha Eegin

 




 


• Ha eegin cibadaadadu inta aay la'egtahay balse waxaad eegta inta aad Alle darti uu qabatay !


• Ha eegin cilmigaagu inta uu la'eg yahay balse waxaad eegta inta aad kaga camal fashay !


• Ha eegin Hantida aad kaydsatay inta aay le'eegtahay balse waxaad eegta inta aad sadaqaysatay ee aad la baxday !


• Ha eegin inta goor ee aad khasaartay balse waxaad eegta inta jeer aad ilaahay casiday !


• Ha eegin asxaabtadu inta ay yihin balse waxaad eegta inta ilaahay ku xasuusisa !


• Ha eegin quruxdaada iyo xogaagu inta uu le'eeg yahay balse waxad eegta inta aad illahay ugu mahadnaqday !


• Ha eegin inta qof ee adiga kugu xidhan balse waxad eegta in aad adigu ku xidhantahay illahay !


• Ha eegin dadka agtooda inta aad sharaf ku leedahay balse waxad eegta in aad illahay agtiisa sharaf ku leedahay !


" Haddi uu illahay adiga ku furay ilbaabka khayrga kuwa xumanta ku jira  ha ku eegin daymo xun "


            

Friday, February 4, 2022

Waxyaabo iska Macquul ah in aad Sameyn karto







Waxyaalaha laga rabo Faarax walba in uu yaqaan

1. Faryaame – ugu yaraan burris in aad musbaar ku kawin karto.
2. Tubbo xumaatay in aad dayactiri karto –yacni biyaha beerdarada ah in aad taqaan sida loo joojiyo.
3. Saqaf darrooraya (biyo soo deynaya) in aad istuukeyn karto.
4. Baabuur in aad wadi taqaan. 
5. Nal gubtay, kollay waad baddali kartaa.
6. Dun iyo cirbad in aad wax ku toli taqaan.
7. Laguma laha laacib noqo, lkn hubi in aadan banooniga ku dhufanin kaldheerta.
8. Ilmo camashooday ama ooyay in aad aamusin/sasabi taqaan. Haddii aad huwaayeyn ka dib hurdasiin taqaanana kaba fiican.
9. Si qumman in aad ‘push-up’ u samayn karto. Ha tirsanin haddii ‘V’ hoos loo jeediyay oo kale u eg yahay jirkaagu, marka aad samaynayso bush’ab.
10. Dabaal ma kasaysaa?
31. Internet. Dadka kugu biriqbiriqeeya ama ku saloosha marka Facebook/WhatsApp la joogo, in aad taqaan sida boloog (block) loogu qabto.
82. Shaag banjaray in aad baddali taqaan.
83. Waxaa jira rag aan baradhada fiiqi/dhili aqoon!
94. Qoob-ka-cayaar! War bal u kaadi. Fulaysanidaa! Muusigga soo ma raacraaci kartid? Waajibku wuu kaa dhacay.
98. Sheekooyin maad leh in aad xafidsan tahay ama aad allifi taqaan. Marka uu warku idinka dhammaado, qofta maxaad u sheegaysaa?
99. Cunto karin. Qof kale in aad kaga yaabsato ka sokow, tan adey dan kuu tahay. Ha bakhtinin.
100. In aad si fiican u garanayso sida loo gilgilo ninka bedenka (huurida) saaran!




Waxyaalaha laga rabo Faarax walba in uu yaqaan


1. Faryaame – ugu yaraan burris in aad musbaar ku kawin karto.

2. Tubbo xumaatay in aad dayactiri karto –yacni biyaha beerdarada ah in aad taqaan sida loo joojiyo.

3. Saqaf darrooraya (biyo soo deynaya) in aad istuukeyn karto.

4. Baabuur in aad wadi taqaan. 

5. Nal gubtay, kollay waad baddali kartaa.

6. Dun iyo cirbad in aad wax ku toli taqaan.

7. Laguma laha laacib noqo, lkn hubi in aadan banooniga ku dhufanin kaldheerta.

8. Ilmo camashooday ama ooyay in aad aamusin/sasabi taqaan. Haddii aad huwaayeyn ka dib hurdasiin taqaanana kaba fiican.

9. Si qumman in aad ‘push-up’ u samayn karto. Ha tirsanin haddii ‘V’ hoos loo jeediyay oo kale u eg yahay jirkaagu, marka aad samaynayso bush’ab.

10. Dabaal ma kasaysaa?

31. Internet. Dadka kugu biriqbiriqeeya ama ku saloosha marka Facebook/WhatsApp la joogo, in aad taqaan sida boloog (block) loogu qabto.

82. Shaag banjaray in aad baddali taqaan.

83. Waxaa jira rag aan baradhada fiiqi/dhili aqoon!

94. Qoob-ka-cayaar! War bal u kaadi. Fulaysanidaa! Muusigga soo ma raacraaci kartid? Waajibku wuu kaa dhacay.

98. Sheekooyin maad leh in aad xafidsan tahay ama aad allifi taqaan. Marka uu warku idinka dhammaado, qofta maxaad u sheegaysaa?

99. Cunto karin. Qof kale in aad kaga yaabsato ka sokow, tan adey dan kuu tahay. Ha bakhtinin.

100. In aad si fiican u garanayso sida loo gilgilo ninka bedenka (huurida) saaran!





Mashruucii Ladagaalanka Nuurka Qaybtii 2-aad




Markaas ayaa cabsi igu abuurantay. Waxaan jeclaystay in aanan halkan iman, waxaase cod guddaha igala hadlay igu yidhi, ‘xog badan aad ogaatide adkayso.’ Cidda ila hadlaysa ma garan ee berri danbe ayaan ogaan doonaa in uu igu shaqaysanayo xoog ka awood badan kuwan aan ku biiray. 


Paul wuu i dareemay in buuq igu furan yahay, waxaanu ii sheegay markaan koro salaanka kala saraynta in cabsidu iga baabi’i doonto laakiin la iiga baahan yahay naf-hurid laxaad leh. Wuxuu si toos ah iigu sheegay baahida xilligan keentay in loo baahdo dad Soomaali ah oo guddaha ka dagaallama.


Waqtigan waxaa nagu adkaatay in aan dibedda kala dagaalanno, weliba wax walba waxay isbeddeli doonaan marka la gaadho December, 21, 2016. Waxaan jeclaystay in ogaado sababta xilligaas wax walba isku beddelayaan. Waxaad moodaa inuu maqlayo faqa guddahayga ka socda, wuxuu ii sheegay in xog badan oo aan loo sheegi jirin xubnaha Dark Marrowbone aan nasiib u helay in la ii furo. Sirtan waxaa la siin jiray inta darajadoodu ugu hoosayso 21, cidda fashilisana xukunkoodu wuxuu ahaa dil.


Wuxuu igu yidhi, ‘ hadda, sixirkii aanu dhulkaas kula dagaalami jirnay wuu naga istaagay, 2012 waxaa kor u kacaya quwada ruuxda Aadamaha oo halis weyn ku haysa qorshe-weynaha aanu ku dhaxlayno awoodda dunida.’ December, 21, 2016 marka la gaadhana waxaa cirka ka soo muuqanaya xidig cusub oo awood badan, xidigaasi markuu soo daahiro ma shaqayn doono qorshe kasta oo aanu ka leenahay dhulka Soomaalida. 


Dagaalkii hore ee noo qorshaysnaa waanu fulin doonaa inta aan la gaadhin 2016. Dhulka Soomaalida waxaanu qorshaynay in 5 maamul loo qaybiyo, waxaa sidoo kale 1884 aanu miiska soo dhignay in marka la gaadho 2020 aanu dhulka Soomaalida ka samayno 10 dawladdood oo mid kastaa cadow ku tahay ta jaarka la ah. 


Halkaas, markuu marinayo ayuu joojiyay hadalkii, waxaanu ii sheegay in xogta inta hadhay la i siin doona markaan fuliyo hawlgalka koowaad ee qorshaha gacanta la iga saaray. Qolkii madoobaa ayuu iga soo saaray, waxaanu i keenay qol dhiig ka soo urayo. Biyo ayuu madaxa igaga shubay. Waxaanan markii koowaad usoo dhoofay dalkayga anigoo cadow ku ah. 


21 July 2007 ayaan ka soo dagay madaarka Hargeysa. Cabsi ayaa dabooshay qalbigayga, waxaase ay hore iigu soo sheegeen wadanku in aanu lahayn sirdoon difaaca. Qolada qudha ee la igu dardaaray in aan ka feejignaado waa qolo wadanka ilaalisa oo suuqa iska joogta, dadkuna aanay aqoon awooddooda iyo wejiyadoodaba. Judhiiba laba guri ayaan ka kiraystay Masalaha iyo Jigjigo yar waa labada xaafadood ee aad hawlahaaga si fiican uga fushan karto. 


Waxaan ku tallo jiraa in aan hantiyo dhallinyar badan oo gabdho iyo wiilal ba leh. Waxaan ku kasbanayaa lacag iyo indho-sarcaad. Mustaqbal qurux badan ayaan u sawirayaa. Labadaas gurri ayaan kulan ugu qabtaa. Hawlihii oo meel fiican ii maraya ayuu ila soo hadlay, waxaa la igu amray in aan tago gobolka Sanaag oo aan fuulo buurta Cirshiida. 2:00 habeennimo ayaan fuulay, subaxii ayay fariin ii soo direen oo yidhaahdeen xalay waxaad fuushay buurta sidda sirta wadankaas. Waxaase la i faray in aan degdeg uga soo baxo dalka oo noloshaydu khatar ku jirto. 


Dhaadhaca Daallo markaan marayo ayuu nin cawlan nagu joojiyay buurta hoosteeda wuxuu igu yidhi, ‘kuwa ku soo diray Sanaag ayaa awooddoodu ku idlaan, haddaad mar danbe timaadana waad eedi, haddana fariinta gaadhsii walaalahaaga madow.’ Cabsi ayaa igu dhacday, waanan baqayay ilaa aan ka degay madaarka Heathrow. 


Paul McMillan ayaan ku booqday xaruntii urrurka, si diiran ayuu ii qaabilay wuxuu ii sheegay in aan gaadhay meel ay iyagu ka baqaan. Wuxuu ku daray in ay Sanaag qorshe ka leeyihiin. Hadda, waxaan kuu furayaa bog kale oo sir ah. Wuxuu yidhi, ‘intii aan ku mashquulsanayn dagaalkii Ciraaq halkan waxaa laga taagay calan Tawxiid leh.’ Waanu garan waynay halka ay naga hoos martay. 


1998 ayaanu ogaanay in awood ka soo baxayso halkaas. Arrintii ayaa ay ka wada hadleen Maraykanka, Ingiriiska iyo Israa’iil. Ingiriiska iyo Israa’iil waxay yidhaahdeen hadda aan la dagaalanno, Maraykankuna wuxuu yidhi aan eegno sida ay u soo baxayso. Hadda, waanu garan laanahay si aanu yeelno. 


Wuxuu iigu daray in ay ciidamo geyn doonaan badda cas, iyagoo abuuraya budhcad baddeed ay ka dhigtaan foodsaaro iyo sabab ay ciidamadooda ku keenaan badda. Waxaan arkayaa qorshihii oo u fulaya siddii Paul McMillan iigu sii sheegay. Taas waxa ka daran ta maanta socota, wuxuu si cad iigu sheegay 2016 in ay Somaliland ka soo weerarayaan dhinaca barri.