Qeybta 1aad:
TALOOYIN KHUSEEYA XEERKA QOYSKA:
1. Ha dejin qodob aadan garaneyn hadafka aad ka leedahay si aad u bedesho dhaqan aan fiicneyn oo ilmahaaga khuseeya. Qodobada xeerka waa inay noqdaan kuwa dhalinaya dhaqan wanaagsan ama togan islmarkaana fogeynaya habdhaqanka aan wanaagsaneyn
2. Ha dejin qodob aadan fulin Karin ama adiga qudhaadu aad ku shakisantahay inaadan ka soo bixi Karin
3. Waqti kaama dhicin weli, hadda ayaad bilaabi kartaa dejinta qodobada xeerka qoyska, wax walbo waa la hagaajin karaa, almuhiim hadda bilaw, Allahne talo saaro.
4. Ku dadaal kulamada maalinlaha ah ama todobaadlaha ah ee qoyska, daqiiqado kooban ba ha noqotee, si aad u ogaataan wixi idiin suuragalay, wixi dhaqan isbedel aad ku sameyseen, ka dhiga caado dhaqameed aad yeelataan si qiimeyntaasi joogto u noqoto, islamarkaana u ogaataan geedi socodka xubin kasta oo reerka ka mid ahi ugu jirto fulinta iyo meel marinta qodobadi lagu heshiiyay ee xeerka qoyska
La Soco Qeybta 2aad
No comments:
Post a Comment