Markii la rabo in wadan ama bulsho meel ku nool la baabi'iyo waxaa laga weeraraa dhinacyo badan, mukhaadaraadka ama maandooriyaha oo noqday hub lagu burburiyo soomaaliya ayan maanta kaga hadli doonaa maqaalkan,
Balse aan ka hormariyo tusaalaha wadan sidan oo kale loo dhibaateeyay lakin markii dambe ka guuleestay,
Wadanka china ama shiinaha wuxuu ahaa wadanka ugu isticmaalka badan maandooriyaha , wadanka ingiriiska oo xilligaa ka mid ahaa gumeystayaasha ayaa usoo dhoofin jiray shiinaha maandooriyayaasha sida xashiishka iyo khamriga,heer waxa ay gaareen shiinaha la waayo cid wax soo saarta, waxaa ku batay burcada dadka dhacda, dilka iyo afduubka waxaana loogu magac daray wadanka burcadka iyo sharmuutooyinka,
Hadaba sidee ayay uga guuleeysteen?
Wadanka shiinaha waxay bilaabeen in muddo sanad ah ay digniino bixiyaan ciidanka oo ay dhahaan sanadkaan kadib qofkii mukhaadaraad lagu arko waxaa lagu dilayaa meesha lagu arko,
Sanadkii digniinta ayaa dhamaaday, waxaana bilaabatay in la dilo qofkii lagu arko mukhaadaraad in bartiisa lagu toogto heer waxaa la gaaray 1.5 million oo qof lagu toogto muddo lix bilood ah ,
Kadib dadkii waa ay cabsadeen waxayna bilaabeen in ay ganacsi iyo hormar inay ku fakaraan, wadanka shiinaha hada waxa uu ka mid yahay wadamada ugu wax soo saarka badan dunida uguna hormarsan,
Soomaaliya marki aan ka hadalno gaar ahaan muqdisho balwadaha aadka loo isticmaalo waxaa ka mid ah , xashiishka, qaadka , taabuuga, sigaarka,calaqa, khamriga, iyo daawooyinka maanka dooriya, sida tramadol tablet, injection iyo pethadin
Xili maqrib ah anigoo bajaj saaran ayaa waxaa bajajtii gacanta u haatiyay laba gabar oo da' ahaan 20jir iyo 18 jir ah, bajajlihii ayay salaan aqoon ka muuqata iş salaameen kadib mid ka mid ah gabdhihii ayaa igu dhahday adeer $2dollar noo tuur oo aan ku casheyno, inta aan jawaabin ayaa darawalkii bajaajta igu dhahay hadii aad lacag siiso waxay ku gadanayaan çirbad daroogo ah
Markale ayay i waydiiyeen lacagtii waxan ku dhahay hadii aad casho rabtaan kaalaya maqaaxidaan gala lacagta anigaa dhiibaya, waa ay diideen oo waxay ku ceceliyeen in ay $2 aad ugu baahanyihiin , muran kadib waa ay ka dagteen bajaajta , Yarkii bajaajlaha ahaa ayaa ii sheegay in maqrib walba halkaas sandaqad ku taalla lagu fuulo gabdhaha markii la duro cirbadda kadib iyo ka horba waxaana isku dhaafta ugu yaraan 5 ilaa 8 rag ah ,
Waxan iş weydiiyay suaalahan
1.imisa dhalinyaro ah ayaa sidan u halaysan oo balwad iyo dhaqan xumo caadeystay?
2.Cuduro imisa ah ayaa ka dhalan kara ?
3.imisa caruur aan aabo lahayn ayaa dhalan kara?
4.kuwa ka ganacsada ee soo dejiya caruurtooda iyagana sow ma saameyn doonto
5.hadii 10sano sidan lagu jiro maxaa natiijo ah oo ka dhalan ?
6.maxay media ha xooga u saaraan siyaasadda iyadoo bulshadii dhinac kale ka hallowday?
Sidee loo joojin karaa ?
1. İn dadka ka ganacsada canshuur xad dhaaf ah la saaro
2.in qofkii lagu qabtaa 8 sano xabsi ah la geliyaa
3.in qofkii soo qabtaa qof cabsan la abaalmariyo waliba howshaas ay noqoto heer degmo
Bal adigu ku darso fikirkaaga
1. İn dadka ka ganacsada canshuur xad dhaaf ah la saaro
2.in qofkii lagu qabtaa 8 sano xabsi ah la geliyaa
3.in qofkii soo qabtaa qof cabsan la abaalmariyo waliba howshaas ay noqoto heer degmo
Bal adigu ku darso fikirkaaga
4 in dadka homeless ah la u ruuriyo lana xanaaneeyo
ReplyDelete5 in wadooyinka tramadol ka iyo pathodine ka iyo wixi la mid ah lagu control lo hospitalada loona ogolaanin pharmacy ga
6 in bulshada laga wacyi galiyo daroogada iyo dhibaatadeeda