Friday, January 28, 2022

SIDEE XADAARAD AMA HORUMARKA UMMADA LOO DHISAA , Jimca Wanaagsan



Dhisidda xadaarad iyo ummad hormarsan waxay u baahantahay Tallaabooyin tartiib tariib ah loo qaadaaayo, waxaana ka mid ah Qodobada so socad

 

1.     In  Xal loo helo quudka iyo Cunta joogto ah oo uusan qofku ka walwalin maxaad cuni doontaa maxaa caruurtaada siin doontaa , yacni waa inuu helaa Amaanka Quudka, yacni in Ummadaas ayna Baahneyn, Shacab gaajeysan waxba ma qaban karaan, qofka waxa uu isku dayayaa in uu helo waxa uu cuni lahaa xitaa waxa uu isku dayayaa in uu wax dhaco wax dilo si uu u helo wax uu cuno

2.     In loo soo jeestaa Ahmiyad Siinta Guryaha, Tusaale ahaan waddooyin Nadiif ah, Meelo dadku ay fariistaan, Arrinkaan waxa uu muujinayaa in Ummadaan ay xadaarad Leedahay,

              Maanta Marki aad eegto Maamullada ka jira soomaalida Nooca uu ahaadaba, Amniga Cunnada waa waxa ugu dambeeya ay ahmiyadda siiyaan, waxaa badan in aad maqasho Ciidan hebel ayaa lasoo tababaray,Heshiis hebel ayaa lasoo saxiixay , Calan hebel ayaa la sameeyay, Hebel ayaa jagadaas loo doortay,

Laakiin aadan maqleynin warshad hebel oo cunnada soo saarto aya la sameeyay, Dhul hebel ayaa laga hirgeliyay warshad soo saarto cunno noocaas ah,

Waxaan ku jirnaa xaflado aan dhamaaneyn, dhoola tus been been ah, ii dheh iyo I arag,Halka bulshado ay baahantahay oo gaajo ay u dhamaanayaan,

Dhanka kale Reer miyiga ayaa aas aas u ah xadaaraddaha , sababtoo ah reer miyigu waxay ku kaaftoomaan wax yar , halka reer magaalku ay raadiyaan faaja faajo iyo dhameystir siyaada ah, halka magaalo walbo asalkeedu ay ahayd reer miyi,

Sidoo kale reer miyigu ay dhinaca naxariista iyo kheyrka ay uga fiicanyihiin reer magaalku oo marwalba waxaa dhankaas ku fiican reer miyiga, kana geesinimo badanyihiin,

Qofka reer miyiga ah wuxuu si toos ah kaligii u wajahaa dhibaatooyinkiisa kala duwan iyo cabsiyihisa, halka reer magaalku uu isku haleeyo awood kale sida booliska iyo xukuumad,

Caalamka waxaa jira dad hadii ay arkaan jiir ama dooli ay dhahayaan booliska haloo Waco ,

 

Dhanka kale ku faanidda nasabka iyo qabyaaladda, waxaa macquul ah in aad manta maqasho markii mujtamaceena laga hadlaayo , Reer hebel ayaan nahay, Dad nasab ah ayaan nahay waana ka fiicanahay reer hebel,

Saameynta nasabka ee dhinaca Akhlaaqda , wa markii akhlaaq laga hadlaayo waxay dhamaataa awowga afaraad, hadii tusaale ahaan uu jiro qof laga soo faracmay oo akhlaaq leh ama wax wanaagsan caan ku ahaa, saameyntiisa waxay qarsoomeysaa jiilka afaraad, xitaa hadii aa kasoo jeedo wali saalix ah, saxaabi ama xitaa nabi, wax walba way is bedeli ,

Insaanku wuxuu wax ku yahay akhlaaqdiisa iyo qiyamkiisa waqtigaas uu joogo, ogow wanaaga iyo qiyamka nasab ahaan la iskama dhaxlo, Tusaale ahaan maanta inaa tahay daarood isaaq, hawiye ama qabiilkaa rabto markaan mujtamaceena ka hadleyno, adiga ka shakhsi ahaan , wax ay kugu soo kordhineyso malahan, ama aad kaga duwantahay qofka kale ee kaa soo horjeeda,

Hadaba beentaas iyo khiyaaligaaas in aad ku noolaato in aad ka baxdo waa tallaabada ugu horeyso ee hormarka ummad, in aad aaminsantahay in dadku isku wada mid yihiin reer hebel ayaa nasab ahna ay tahay khiyaali iyo mid aan waxba ka jirin,

 

Dhanka kale Cidda laga adkaado waxay ku daysataa inta guuleysatay , Tusaale dhulka soomaaliyeed waxaa ka jira maamullo kala duwan waxay  leeyihiin bogag baraha bulshada waxayna soo saaraan farriimo iyo qoraalo kala duwan, oo wax micno aan soomaalida ugu fadhin qoraaladaas, intooda badanne waxay ku qoranyihiin luqad kale sida englishka, halka ummada ay la hadlayaan aynan ku hadlin luqadaas, 

Waana ku dayo indha la’aan ah oo lagu daydo ummado kale, hadii aad ummadaada farriin ugu soo qorto luqad kale macnaheedo waa qayb ka mid ah dib u dhac ummadaada,

Waxaad arkeysaa dadkeena oo wada siyaasiyiin ah yacni xogta siyaasadda qofwalba ayaa haya laga soo bilaabo maamada guriga aabaha ilaa caruurta , waxaana sabab u ah in dadku ay siyaasiyiin wada noqdaan , shaqa la’aanta iyo mashquul la’aanta , hadii dadku ay aad u shaqeyn lahaayeen waxaa yaraan lahaa inta siyaasadda ka hadasha , heer waxaa la gaari lahaa qofka soomaaliyeed hadii la waydiiyo sheeg madaxweynaha dalka magaciisa in uu sheegi waayo oo howlihiisa ay ka bataan

 

Hal hogaammiye oo xumaada ayaa dal dhan burburin kara tusaale ahaan markuu muddo dheer xilka hayo oo uu waayo xamaasadda iyo wax cusub,

Waxaa kale oo ummadaha burburiya  musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, halka qof ee wax xadaayo ee wax lunsanaya beri waxaa kusoo biiraya mid kale beri dambana koox ayay noqonayaan heer ay ummadaas aktooda ay caadi ka noqoto oo la iskugu faano musuq maasuqa

Waxa kale ee ummadaha burburiya waxaa ka mid ah sicir bararka,

 

Qodobka ugu dambeeya ee ummad hormariya waa tacliinta iyo cilmiga waana waxa kaliya ee ka soocaya ummadaha kale,  sidoo kale waxay ka soocayaan xoolaha , ileen xoolaha iyo bini aadamku waxay wadaagayaan cunnada iyo dhaqdhaqaaqa wax kaliya ee naga soocaya aya ah cilmiga iyo fahamka nolosha, marka culuumta iyo wax soo saarka ummada  waxay ku xirantahay xadaaraddooda iyo hormarkooda


 

No comments:

Post a Comment