Saturday, January 29, 2022

Talooyin Guud oo Ku Saabsan Nolosha




-Qofna haku rajogelinin wax aadan siineyn amaadan siin karin.

-Ha qaadin ballan aadan oofin karin amaadan oofin doonin.

-Sida caadiga ah ka naxariis badnow.

-Ha yasin oo hoos ha u fiirinin qofna.

-Qof kale wuu kaa tabar yaryahay ama kaa garaad yaryahay darteed ha u dulminin.

-Cafis waxaa ugu wanaagsan marka aad aarsan karto.

-Dadka aad jeceshahay ka farxi.

-Saaxiibbadu waa sareedo, ha luminin/illaawin saaxiib hore marka aad ku cusub yeelaneyso.

-Naftaada haku dhererinin/qayaasin tu kale. Xuuusnow adigu waxaad tahay 'adiga'.

-Haka walwalin waxa aadan sinnaba u baddali karin (tus.ahaan, in aad Soomaali tahay). Ku dadaal kasbashada dhaqan wanaagsan iyo trtiridda ku xun.

MAANDOORIYAHA IYO SAAMEYNTIISA

 



Markii la rabo in wadan ama bulsho meel ku  nool la baabi'iyo waxaa laga weeraraa dhinacyo badan, mukhaadaraadka ama maandooriyaha oo noqday hub lagu burburiyo soomaaliya ayan maanta kaga hadli doonaa maqaalkan, 

Balse aan ka  hormariyo tusaalaha wadan sidan oo  kale loo dhibaateeyay lakin markii dambe ka guuleestay, 

Wadanka china ama shiinaha wuxuu ahaa wadanka ugu isticmaalka badan maandooriyaha , wadanka ingiriiska oo xilligaa ka mid ahaa gumeystayaasha ayaa usoo dhoofin jiray shiinaha maandooriyayaasha sida xashiishka iyo khamriga,heer waxa ay gaareen shiinaha la waayo cid wax soo saarta,  waxaa ku batay burcada dadka dhacda,  dilka iyo afduubka  waxaana loogu magac daray wadanka burcadka iyo sharmuutooyinka,


Hadaba sidee  ayay  uga guuleeysteen?


Wadanka shiinaha waxay bilaabeen in muddo sanad ah ay digniino bixiyaan ciidanka oo ay dhahaan sanadkaan kadib qofkii mukhaadaraad lagu arko waxaa lagu dilayaa meesha lagu arko,


Sanadkii digniinta ayaa  dhamaaday,  waxaana bilaabatay in la dilo qofkii lagu arko mukhaadaraad in bartiisa lagu toogto heer waxaa la gaaray 1.5 million oo qof lagu toogto muddo lix bilood ah ,


Kadib dadkii waa ay cabsadeen waxayna bilaabeen in ay ganacsi iyo hormar inay ku fakaraan, wadanka shiinaha hada waxa uu ka mid yahay wadamada ugu wax soo saarka badan dunida uguna hormarsan, 


Soomaaliya marki aan ka hadalno gaar ahaan muqdisho balwadaha aadka loo isticmaalo waxaa ka mid ah , xashiishka, qaadka , taabuuga, sigaarka,calaqa,  khamriga, iyo daawooyinka maanka dooriya,  sida tramadol tablet, injection iyo pethadin 


Xili maqrib ah anigoo bajaj saaran ayaa waxaa bajajtii gacanta u haatiyay laba gabar oo da' ahaan 20jir iyo 18 jir ah, bajajlihii ayay salaan aqoon ka muuqata iş salaameen kadib mid ka mid ah gabdhihii ayaa igu dhahday adeer  $2dollar noo tuur oo aan ku casheyno, inta aan jawaabin ayaa darawalkii bajaajta igu dhahay hadii aad lacag siiso waxay ku gadanayaan çirbad daroogo ah  


Markale ayay i waydiiyeen lacagtii waxan ku dhahay hadii aad casho rabtaan  kaalaya maqaaxidaan gala lacagta anigaa dhiibaya, waa ay diideen oo waxay ku ceceliyeen in ay $2 aad ugu baahanyihiin , muran kadib waa ay ka dagteen bajaajta , Yarkii bajaajlaha ahaa ayaa ii sheegay in maqrib walba halkaas sandaqad ku taalla lagu fuulo gabdhaha markii la duro cirbadda kadib  iyo ka horba  waxaana isku dhaafta ugu yaraan 5 ilaa 8 rag ah , 


Waxan iş weydiiyay suaalahan 


1.imisa dhalinyaro ah ayaa sidan u halaysan oo balwad iyo dhaqan xumo caadeystay?


2.Cuduro imisa ah ayaa ka dhalan kara ?


3.imisa caruur aan aabo lahayn ayaa dhalan kara?


4.kuwa ka ganacsada ee soo dejiya caruurtooda iyagana sow ma saameyn doonto


5.hadii 10sano sidan lagu jiro maxaa natiijo ah oo ka dhalan ?


6.maxay media ha xooga u saaraan siyaasadda iyadoo bulshadii dhinac kale ka hallowday?



Sidee loo joojin karaa ?


1. İn dadka ka ganacsada canshuur xad dhaaf ah la saaro 


2.in qofkii lagu qabtaa 8 sano xabsi ah la geliyaa 


3.in qofkii soo qabtaa qof cabsan la abaalmariyo waliba howshaas ay noqoto heer degmo 


Bal adigu ku darso fikirkaaga



1. İn dadka ka ganacsada canshuur xad dhaaf ah la saaro 

2.in qofkii lagu qabtaa 8 sano xabsi ah la geliyaa 

3.in qofkii soo qabtaa qof cabsan la abaalmariyo waliba howshaas ay noqoto heer degmo 

Bal adigu ku darso fikirkaaga

Friday, January 28, 2022

SIDEE XADAARAD AMA HORUMARKA UMMADA LOO DHISAA , Jimca Wanaagsan



Dhisidda xadaarad iyo ummad hormarsan waxay u baahantahay Tallaabooyin tartiib tariib ah loo qaadaaayo, waxaana ka mid ah Qodobada so socad

 

1.     In  Xal loo helo quudka iyo Cunta joogto ah oo uusan qofku ka walwalin maxaad cuni doontaa maxaa caruurtaada siin doontaa , yacni waa inuu helaa Amaanka Quudka, yacni in Ummadaas ayna Baahneyn, Shacab gaajeysan waxba ma qaban karaan, qofka waxa uu isku dayayaa in uu helo waxa uu cuni lahaa xitaa waxa uu isku dayayaa in uu wax dhaco wax dilo si uu u helo wax uu cuno

2.     In loo soo jeestaa Ahmiyad Siinta Guryaha, Tusaale ahaan waddooyin Nadiif ah, Meelo dadku ay fariistaan, Arrinkaan waxa uu muujinayaa in Ummadaan ay xadaarad Leedahay,

              Maanta Marki aad eegto Maamullada ka jira soomaalida Nooca uu ahaadaba, Amniga Cunnada waa waxa ugu dambeeya ay ahmiyadda siiyaan, waxaa badan in aad maqasho Ciidan hebel ayaa lasoo tababaray,Heshiis hebel ayaa lasoo saxiixay , Calan hebel ayaa la sameeyay, Hebel ayaa jagadaas loo doortay,

Laakiin aadan maqleynin warshad hebel oo cunnada soo saarto aya la sameeyay, Dhul hebel ayaa laga hirgeliyay warshad soo saarto cunno noocaas ah,

Waxaan ku jirnaa xaflado aan dhamaaneyn, dhoola tus been been ah, ii dheh iyo I arag,Halka bulshado ay baahantahay oo gaajo ay u dhamaanayaan,

Dhanka kale Reer miyiga ayaa aas aas u ah xadaaraddaha , sababtoo ah reer miyigu waxay ku kaaftoomaan wax yar , halka reer magaalku ay raadiyaan faaja faajo iyo dhameystir siyaada ah, halka magaalo walbo asalkeedu ay ahayd reer miyi,

Sidoo kale reer miyigu ay dhinaca naxariista iyo kheyrka ay uga fiicanyihiin reer magaalku oo marwalba waxaa dhankaas ku fiican reer miyiga, kana geesinimo badanyihiin,

Qofka reer miyiga ah wuxuu si toos ah kaligii u wajahaa dhibaatooyinkiisa kala duwan iyo cabsiyihisa, halka reer magaalku uu isku haleeyo awood kale sida booliska iyo xukuumad,

Caalamka waxaa jira dad hadii ay arkaan jiir ama dooli ay dhahayaan booliska haloo Waco ,

 

Dhanka kale ku faanidda nasabka iyo qabyaaladda, waxaa macquul ah in aad manta maqasho markii mujtamaceena laga hadlaayo , Reer hebel ayaan nahay, Dad nasab ah ayaan nahay waana ka fiicanahay reer hebel,

Saameynta nasabka ee dhinaca Akhlaaqda , wa markii akhlaaq laga hadlaayo waxay dhamaataa awowga afaraad, hadii tusaale ahaan uu jiro qof laga soo faracmay oo akhlaaq leh ama wax wanaagsan caan ku ahaa, saameyntiisa waxay qarsoomeysaa jiilka afaraad, xitaa hadii aa kasoo jeedo wali saalix ah, saxaabi ama xitaa nabi, wax walba way is bedeli ,

Insaanku wuxuu wax ku yahay akhlaaqdiisa iyo qiyamkiisa waqtigaas uu joogo, ogow wanaaga iyo qiyamka nasab ahaan la iskama dhaxlo, Tusaale ahaan maanta inaa tahay daarood isaaq, hawiye ama qabiilkaa rabto markaan mujtamaceena ka hadleyno, adiga ka shakhsi ahaan , wax ay kugu soo kordhineyso malahan, ama aad kaga duwantahay qofka kale ee kaa soo horjeeda,

Hadaba beentaas iyo khiyaaligaaas in aad ku noolaato in aad ka baxdo waa tallaabada ugu horeyso ee hormarka ummad, in aad aaminsantahay in dadku isku wada mid yihiin reer hebel ayaa nasab ahna ay tahay khiyaali iyo mid aan waxba ka jirin,

 

Dhanka kale Cidda laga adkaado waxay ku daysataa inta guuleysatay , Tusaale dhulka soomaaliyeed waxaa ka jira maamullo kala duwan waxay  leeyihiin bogag baraha bulshada waxayna soo saaraan farriimo iyo qoraalo kala duwan, oo wax micno aan soomaalida ugu fadhin qoraaladaas, intooda badanne waxay ku qoranyihiin luqad kale sida englishka, halka ummada ay la hadlayaan aynan ku hadlin luqadaas, 

Waana ku dayo indha la’aan ah oo lagu daydo ummado kale, hadii aad ummadaada farriin ugu soo qorto luqad kale macnaheedo waa qayb ka mid ah dib u dhac ummadaada,

Waxaad arkeysaa dadkeena oo wada siyaasiyiin ah yacni xogta siyaasadda qofwalba ayaa haya laga soo bilaabo maamada guriga aabaha ilaa caruurta , waxaana sabab u ah in dadku ay siyaasiyiin wada noqdaan , shaqa la’aanta iyo mashquul la’aanta , hadii dadku ay aad u shaqeyn lahaayeen waxaa yaraan lahaa inta siyaasadda ka hadasha , heer waxaa la gaari lahaa qofka soomaaliyeed hadii la waydiiyo sheeg madaxweynaha dalka magaciisa in uu sheegi waayo oo howlihiisa ay ka bataan

 

Hal hogaammiye oo xumaada ayaa dal dhan burburin kara tusaale ahaan markuu muddo dheer xilka hayo oo uu waayo xamaasadda iyo wax cusub,

Waxaa kale oo ummadaha burburiya  musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, halka qof ee wax xadaayo ee wax lunsanaya beri waxaa kusoo biiraya mid kale beri dambana koox ayay noqonayaan heer ay ummadaas aktooda ay caadi ka noqoto oo la iskugu faano musuq maasuqa

Waxa kale ee ummadaha burburiya waxaa ka mid ah sicir bararka,

 

Qodobka ugu dambeeya ee ummad hormariya waa tacliinta iyo cilmiga waana waxa kaliya ee ka soocaya ummadaha kale,  sidoo kale waxay ka soocayaan xoolaha , ileen xoolaha iyo bini aadamku waxay wadaagayaan cunnada iyo dhaqdhaqaaqa wax kaliya ee naga soocaya aya ah cilmiga iyo fahamka nolosha, marka culuumta iyo wax soo saarka ummada  waxay ku xirantahay xadaaraddooda iyo hormarkooda


 

Thursday, January 27, 2022

SABABAHA KEENA BURBURKA UMADAHA

 


 

Iskaashiga bini aadamku waa mid Khasab ah ee ma aha mid doorasho ah iyadoo la fiirinayo in bini aadamku bulsho bulsho yahay, dabci ahaan ilaaheyna sidaa uu u abuuray aana la kala maarmin.

 

Aas aaska  Nolosha bini aadamka waxaa sal u ah Cuntada ama ( Quudka) bulshada meeshaas ku nool in aynan gaajo ka sheeganeyn oo waa in ay haysato wixii ay cuni lahayd, iskaashi la’aana wax soo saarku wuu  yaraan, iskaashiga dhinac walba waxa uu kaalin wayn ka geystaa hormarka bulshadaas Meesha ku nool,

Hadaba aan is weydiino maxay dadka ku nool dhulka qaboobaha ay uga hormarsanyihiin kuwa ku nool Dhulka kuleylaha?

Ugu yaraan dhinaca dhismaha , xaqiiqada jirta ayaa ah in meelaha caalamka heerkul ahaan qabow ay ka fiicanyihiin kuwa ku nool dhulka kulul dhanka dhismaha , iyadoo la fiirinayo in meelaha kulul inta badan ay abaaro  ka dhacaan, dabeylo aad u kulul ay ka jiraan, dadkuna inta badan ay hal meel kuwada sugnaanin oo ay marwalba ka daba guuraan Meesha dhibic Roob ah ka da’do ama laga sheego Roob Cusub.

Halka dadka ku nool meelaha qabow ay Barwaaqo tahay dadkuna u badanyihiin sugnaan iyo xasilooni in aynan guur guurin taas oo keeneyso in muddo dheer kadib dadkooda ay hormaraan.

 

Dhanka kale marki aan ka hadalno saboolnimada iyo wadaadnimada ?

Caalamka meelaha ugu saboolsan waa meelaha ugu diimaha badan diinta ay ahaataba,

Ha dagdagin ee qoraalka sifiican u aqri ,

Ku dheganaanta diinta waxay keeneydaa hormar iyo barwaaqo kana mid tahay waxyaabaha xasiloonida iyo nabadda keeno, laakiin waxaa aan ka hadleyno ayaa ah in qofku uu xooga saaro muuqaalka kore , asagoo wax xadaayo wax dhacaayo wax dilaayo oo uu u maleynayo in cumaamadaas iyo garkaas uu ka dhigaayo mid ahlu diin ah , oo uu muuqaalka kore bes xooga saaro iyo waxa ay dadka qaar ay u maleynayaan diin sida in qofku uu u muuqdo mid faqiir ah oo  zuhdi ah lakin waa mid khaldan oo fahamkaas cariiriga ah ma ah mid sax ah oo islaamka ka tarjumayo,

sababtoo ah khaliifkii 5naad ee islaamka oo lagu magacaabi jiray Khaliifkii Raashidka Cumar ibnu abdil aziiz waqtigiisii waxaa la waayay cid Sakada qaadato a oo dadkoo dhan waxay ahaayeen dad qani ah , wayna naga diin fiicnaayeen,

Dhanka kale Nabi Muhammad (salallaahu caleyhi wasallam) wuxuu marwalba allah ka magan geli jiray faqriga,

Bii’ada saboolka ah xitaa hadii ay yihiin kuwa ugu diinta badan waxaa ka dhalanaya dhac boob burcad iyo anaa kaa xoog badan, Meel gaajo ay ka jirto haba yaraatee Nabad kama jireyso,

 

Bulshooyinka saboolka ah  akhlaaqdoodu aad ayay u burburtaa xitaa hadii ay muslimiin yihiin Tusaale ahaan hadaan soo qaadano carabtii hore ee xiligii jaahiliyadda waxay ahaayeen kuwa aad u sabool ah intooda badan , dhulkaas saxaraha ayay ku noolaayeen waxaana ku noolaa mooryaan ama burcad lagu magacaabi jiray (sacaaliiq) una dhigma isbaarooleyda maanta (dadka dadka dhaco) , qofka dadka dhacaya ama isbaarada u dhiganaya, Mobilka dhacaya , Baadda ka 

SOOMAALIYA XAGEE AYAY U SOCTAA ? MASHRUUCII LA DAGAALANKA NUURKA QAYBTII 1aad



 Mashruucii La Dagaalanka Nuurka

Qaybtii 1aad
Waxaan safar gaaban ku imid magaalada London, anigoo u socdo ka qaybgalka xaflad aroos oo ehelkayga ah. Saddex cisho markaan joogay ayuu ila soo hadlay nin ka tirsan urrur ka mid ah kuwa sida qarsoon u shaqeeya. Wuxuu igu balamiyay maqaaxi ku taal South Kensington oo la yidhaa Gails Bakery.
Waan imid anigoo werwer yar igu jira oo isweydiinaya wuxuu iga rabo. Markaan cabaar fadhiyay ee aan bun iyo macmacaan meeshii ku cunay ee aan kolba saacadda hoosta ka eegayo. Waxaa si kedis ah ii soo dul istaagay nin cad, wuxuu ii sheegay in la ii soo diray oo uu ii qaadayo hudheel. Waan soo raacay gaadhigii oo wuxuu i keenay hudheelka Riverbank Park Plaza oo ku yaala badhtamaha London.
Qof baa ii sii taagnaa albaabka oo si diiran iigu soo dhaweeyay hudheelka. Wuxuu ii kaxeeyay qol albaabkiisa ay ku qornay tirada 322. Qolka markii aan galay ayaan sariirta ku dul arkay suudh madow, shaadh madow iyo kabo madow. Waan maydhay, sidii la ii tilmaamay ayaan dharkii madoobaa ku labistay. Cabaar ayaan daawaday London Eye oo toos ugu beegan daaqada qolka aan ku jiro. Waa meel ka mid ah meelaha ugu bilicsan magaalada London, dalxiisayaal badana waa joogaan.
Gabalku wuu sii dhacayaa anna weli waxaan taaganahay daaqada. Garaac xooggan ayaa albaabkii la igu soo tumay, haddana waa la iska furay annoo yaaban ayuu igu yidhi, ‘mudane, waxaa bilaabmaysa soo dhawayntaadii.’ Waan soo raacay, waxaanu i fadhiisiyay miis maro madow lagu sharaxay, shaqaalahu dhammaan dhar madow ayay ku labisan yihiin.
Miiska waxaa saaran khamri cas, waraaq sida saddex-xagalka u taal oo ay ku qoran tahay “welcome to the brotherhood” iyo sidoo kale waxaa taala hees magaceedu yahay ‘welcome home’. Markii ba gabadh dhar madow xidhan ayaa masraxa soo fuushay waxaabay qaadaysaa heesta midhaheedu ay miiskayga saaran yihiin. Waxaa ka mid ahaa erayadeeda:
Welcome to where
time stands still:
No one leaves and no
one will Keep him tied,
it makes him well.
He’s getting better,
Can’t you tell?
Just leave me alone...
Heeskaas oo i laabqaaday misana cabsi igu abuurtay ayuu mid madow ii yimid isagoo madaxa hoos u foorarinaya ayuu igu yidhi, ‘mudane, waa kuu diyaar gaadhigii ku qaadi lahaa.’ Dabaqa hoose ee hudheelka ayaa la i geeyay, waxaa igu sugaya gaadhi kala jiidan. Markaan guddaha u galay waxaan kula kulmay saaxiibkay.
Waan ku naxay oo waxaan ku idhi, ‘waar maxay sidani tahay’, isna wuxuu iigu hal celiyay waadigii muddo daba-socday inaad nagu soo biirto ee ay codsigaaga laba jeerba ay diideen Club of Rome iyo Scottish Temple. Hadda, waxa timid fursad aad isku muujin karto, haddii aad daacad ka noqoto hawlaha laguu igmanayo waxaad heli xubinnimo buuxda.
Magaalada waan ka sii baxaynaa, waxaan gaadhay dhisme dhulka hoostiisa ka dhisan oo aad yaabayso qaabka loo dhisay. Saaxiibkay gaadhigii ayuu ku hadhay, anna laba nin oo xidhan dhar madow oo ay qoortooda sudhan tahay saddex-gees cas ayaa intay garbaha i qabteen ayay ii kaxeeyeen qol madow oo iftiinka qudha ee ka baxaya yahay shamac.
Waxaa goob madow soo fadhiya nin darajadiisa tahay 33 oo magiciisa iigu sheegay Paul McMillan. Wuxuu i weydiiyay in aan ku qanacsanahay in aan ku soo biiro urrurkooda Dark Marrow. Anna hore ayaan ka aqbalay. Habeenkii halkaas ayaa xaflad weyn la iigu sameeyay.
Saddex habeen ka dib anigoo sidii meeshii ugu jira ayuu Paul ii kaxeeyay qol madow, deeto ileys ayaa lagu qabtay gidaarka waxaana la i tusay khariirad madow oo ay cad yihiin laba meelood. Wuxuu i weydiiyay Paul labadaa meelood ee cad miyaad garanaysaa. Waxaan ku idhi mid waa Geeska Afrika ta kalena waa Barriga dhexe. Paul ayaa igu yidhi, ‘Waa dhulka Soomaalida’, ta kalena waa Shaam.
Wuxuu ii raaciyay in khariiradaa la sameeyay shirkii Berlin ka dhacay 1884. Wuxuu kale oo uu ii sheegay arrin argagax igu riday, Paul McMillan wuxuu yidhi, ‘shirkaas waxa fadhiyay kii samada ka soo dhacay... markuu arkay in aanan fahmin ayuu iigu macneeyay...(idinku Shaydaan ayaad u taqaanaan) wuxuu noo sheegay in dhulka Soomaalida iyo Shaam ba ay yihiin labada Nuur ee u baahan in lala dagaallamo si qorshahayagu u fulo.’
Lasoco qaybta 2aad

Social Media Iyo Dadka Soomaaliyeed





Aalada Social Media gaar ahaan facebook waxa uu aad ugu soo batay Soomaaliya bilowgii sanadkii 2009 markaas oo tiro yar ay isticmaali jireen , waxaa maalinba maalinka ka dambeeyday soo badanayay dadka isticmaalayay oo kusoo biirayay, inkastoo bilowgi ay dadku soo dhigi jireen wacdi ama muxaadaro ama hees soconeyso saacad iyo kabadan , 

wixii ka dambeyay 2014ki dadku aad ayay u isticmaalaan facebook iyagoo inta badan soo dhiga waxyaabaha soo socda 

1.Tacsida 

2.Hambalyada Aroosyada

3.Hambalyada dadka xilalka loo magacaabo 

4.Hambalyada ardayda ka qalin jebido Jaamacadaha 

5.iyo in lagu amaano qabiil ama siyaasi , mid kalena lagu duro ama lagu aflagaadeeyo 

6.iyo waxyaabo kale

bilowgii sanadki 2015 ilaa sanadkan 2022 social media waxaa aad ugu soo batay in aad loogu isticmaalo Siyaasadda gaar ahaan siyaasiyiinta Soomaalida oo sameystay page aad u helay follow fara badan.

dadka qaar sida aqoonyahannada waxa ay soo dhigaan wax dadka anfaca inkastoo soomaalida ay aad u jecleyn wax aqriska oo ay ka caajisaan in ay waxbadan akhriyaan , ogow (qofka aan wax akhrin waxba ma dhaamo kan aan qoraalka iyo akhriska aan aqoonin) 


Talooyin aad iskaga yaren karto isticmaalka social media gaar ahaan facebook waxa aan kusoo qaadan doonaa maqaalkeena xiga insha allah


Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

 








Qeybta 1aad:


TALOOYIN KHUSEEYA XEERKA QOYSKA:


1.    Ha dejin qodob aadan garaneyn hadafka aad ka leedahay si aad u bedesho dhaqan aan fiicneyn oo ilmahaaga khuseeya. Qodobada xeerka waa inay noqdaan kuwa dhalinaya dhaqan wanaagsan ama togan  islmarkaana fogeynaya habdhaqanka aan wanaagsaneyn

  2.    Ha dejin qodob aadan fulin Karin ama adiga qudhaadu aad ku shakisantahay inaadan ka       soo bixi Karin


3.    Waqti kaama dhicin weli, hadda ayaad bilaabi kartaa dejinta qodobada xeerka qoyska, wax walbo waa la hagaajin karaa, almuhiim hadda bilaw, Allahne talo saaro.


4.    Ku dadaal kulamada maalinlaha ah ama todobaadlaha ah ee qoyska, daqiiqado kooban ba ha noqotee, si aad u ogaataan wixi idiin suuragalay, wixi dhaqan isbedel aad ku sameyseen, ka dhiga caado dhaqameed aad yeelataan si qiimeyntaasi joogto u noqoto, islamarkaana u ogaataan geedi socodka xubin kasta oo reerka ka mid ahi ugu jirto fulinta iyo meel marinta qodobadi lagu heshiiyay ee xeerka qoyska


 La Soco Qeybta 2aad