Thursday, December 29, 2022

Tusaalaha Waalidka


 



Sheeko iyo Waano

Qalin: waan ka xumahay.
Tirtir: maxaad ka xuntahay?
Qalinkii: Waan ka xumahay, aniga daraadday ayaad u dhaawacantay. Mar kasta oo aan khalad sameeyo, waxaad had iyo jeer u taagan tahay inaad tirtirto. Laakin markaad khaladaadkayga tirtirto, waxaad lumisaa qayb naftaada ka mid ah oo aad sii yaraanaysaa mar kasta.
Tirtir: Taasi waa run, waxaa la ii sameeyay inaan tan sameeyo, waxaa la ii sameeyay inaan ku caawiyo mar kasta oo aad qalad sameyso, inkastoo aan maalin maalmaha ka mid ah ogahay inaan tagi doono.
Runtii waan ku faraxsanahay shaqadayda. Marka fadlan, welwelka jooji, ma farxi doono haddaan ku arko adigoo murugsan.
Dulucda sheekada:
Waalidiintayadu waa sida masaxa ama tirtiraha oo kale, annaguna waxaannu nahay qalin-qore,
had iyo jeer waxay u taagan yihiin carruurtooda, nadiifinta khaladaadkooda, mararka qaarkoodna jidka way ku dhaawacmaan oo way sii yaraanayaan
(Adduun iyo aakhiraba u ducee oo wanaaji waalidka ).

No comments:

Post a Comment