Saturday, June 18, 2022

100 Sano kadib xagee Aadi Doonaa 2122

 



Hada oo aan joogno 2022 hadii boqol sano lagu daro waxay noqon doontoo 2122 , 

Badankeen hadda nool waxaan ku biiri doonaa qaraabadeena iyo asxaabteena oo hada ku nool dhulka hoostiisa ,

Waxa imaan doona jiil kale oo aan na aqoonin oo na ilaabi doono,  waxay la wareegi doonaan guryaheena iyo wadooyinka iyo wax walbo oo aan maanta u aragno inan milkiyad u leenahay , 

Kuwa ugu roon ayaa magaceena xasuusan doono ,

Jiilkaas iyagana waxaa sii badali doono 10naan jiil oo iyagana aduunyada ay si degdeg ah u sagootin doonto .

Marka hadii aan u jeedno halka aan u socono shaki la'aan 

Wanaag samee , xumaantana iska ilaali , hana noqon labada qof ee adduunka ugu xun kuwaas oo kala ah 


1.Qof aan masaajidka gelin waligiis ilaa janaasadiisa la geeyo !!

2.Dumar aan waligood is asturin ilaa karftanta lagu asturo aakhirkii !!!!

Friday, June 10, 2022

5 qodob oo looga dhabeeyo himilooyinka

 





Rajada ama (hope) waa waxa qofka u qurxiya nolosha , 

Qof walbaa waxaa jira riyooyin ama suaalo nolosha ah oo uu raba mar uun in uu ka jawaabo, sida tusaale ahaan , 

In aad school dhameyso mar uun waxay aheed rajo iyo riyo , waana soo dhameysay ,

In aad jaamacad bilowdo oo aad bachelor ka qaadato waxay ahayd riyo kale oo aad rumeysay 

Ilaa marka dambe aad master ama phD aad qaadato ama aad guursato nolol fiicana ku noolaato ama aad shaqa wanaagsan heshid waa suaalo u baahan in qof walba uu jawaab u helo 


Hadaba waxaa jira   5 qodob oo keenaya in aad riyo walba ku guuleysato oo kala ah 


1. Ha quusan xitaa hadii maalin walba sii adkaato

2.Dadka kugu hareereysan hadii ay yihiin kuwa ku niyad jabiya ka fogow 

3.Qofna hala wadaagin hadii ay soo dhawaato guushii ee  shock uga dhig hana ku baraarugaan 

4.Yeelo qof aad uga dayato sabarka iyo is dhiibid la'aanta 

5.jooji dib u dhigidda ee hadda bilow wadada aad ku gaari lahayd 


Wixi comment ah adiga ku dar