Thursday, March 20, 2025

Safarkii Cimrada ee 2025

  








Ilaah ayay mahad oo dhan u sugnaatay oo sanadkan 2025 bil ramadaan ii sakhiray inaan ku soomo xaramka isla markaana ku cimreysto , kana cimreeyo waalidkii I dhalay iyo waalidiinta aan salaadda iga jebin , 


Intaas kadib safarkayga dhowr qodob ayaan kasoo bartay 


1.waxan soo arkay culimo salaadda na dujisa oo u duceeya marwalba Dalkooda ,madaxdooda ,  Ciidanka xuduudahooda ilaaliya 

2.Waxan soo arkay meel khushuuc iyo naxariis ku beereysa qalbi walba ee halka yimaada 

3.waxan soo arkay waddan leh qorshe fog oo boorarka waddanka sucuudiga waxad ku arkeysaa (2030 vision) oo ah jiigsiga 2030 oo maxay hiigsanayaan ?


Waxay hiigsanayaan in 2030 dalkooda uu gaaro isku filnaasho oo aan waxba ay dibadda oga baahan 

4.waxan soo arkay dad marki salaadda ay dhameeyaan is salaama oo is marxabeeya oo aan hadana is aqoon , waxayna si sax ah u hirgeliyeen Sunnada nabigeen "scw" ee ahayd ma idiin sheegaa shey hadii aad sameysaan aad isjeclaan doontaan , waa salaanta ee salaanta ku faafiya dhexdiina .


5. Waxan soo arkay dal dhisan oo leh waddooyin aad u waawayn , buundooyin (kubri) , dadka iyo madaxda dalkaan ma aysan dhicin canshuurti umadda , ma aysan lunsan hantida umadda , taa bedelkeed wixii hanti ay lahaayeen iyo tii umadda waxay geliyeen dalkooda , 


Ilaahey ha u siyaadiyo nabadda iyo barwaaqadda , 


Annaga oo soomaali ahna allaha hanaga saaro dhibta colaadaha , xaqqa allaha nagu toosiyo , quluubteenna allaha mideeyo 

Thursday, February 13, 2025

Doorasho Qof iyo Cod Soomaaliya ka dhici doonta ?

 Doorasho qof iyo cod ah macnaheedu waa in muwaadinka uu goaan ka gaaro oo uu doorto qofka ama xisbiga ku matalaya maamulidda dal ama wadan, 

marki soomaaliya la joogo waxaa jira oo lasoo maray marxalado kala duwan oo ay soo martay dowlad dhiska soomaaliya oo maalinba meel ayay soo joogtay , 

sanadkaan 2025ta waxaa taagan doodda ah doorasho qof iyo cod ah oo loo dhanyahay ma dhici kartaa mise ma dhici karto, 

doorashooyinki ugu dambeeyay waxay ku magacaabeen doorasho dadban  oo macneheedu yahay in kuraasta xildhibaanada ay soo doortaan ergo kooban  oo lagu soo xusho qofka hadba inta ay la egtahay lacagta uu heysto iyo sida uu ugu dhowyahay qofka wadanka maamulo xiligaas ,

sidoo kale isla xildhibaanadii qaabkaas kusoo baxeen ayaa soo dooranaya Madaxweyne iyo guddoon baarlamaan,  iyagoo hadba u eegaya kii ay u arkaan inuu ka shaqayn kara dantooda shakhsiga ah ,

 Soomaaliya Doorasho qof iyo cod noocee ah ayaa ka dhici rabto 

 waxaa kaliya la kordhin doonaa tirada shacabka ee soo dooranaya xubnaha baarlamaanka laakiin waxba iskama bedelin qabiiladii kuraasta haystay iyo kuwii kuraas la'aanta ahaa 

mar hadii sidaas tahay waxa meesha ka baxaysa raja gelinta aan xaqiiqda ku saleysneyn ee ah Qofwalba wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto !

hadii qofkaan la dhaho adiga qabiilkaaga kursi kuma lahan baarlamaanka sidee ayuu uga qayb qaadan karaa doorasho qof iyo cod ah isla markaana uu u heli karaa qof matala ?

Sunday, February 4, 2024

Bulsho

 Bulsho waxaan ku noolnahay , Qofkii aad ku dhahdaa xawayaan ayaa tahay kaa xanaaqayo , hadii aad dhahdaa libaax ayaa tahay ku faraxsan 


Libaaxu sow xayawaan ma aha?

Wednesday, October 18, 2023

Sidee mustaqbal wanagsan loo gaaraa

 Fadlan dhaqankaaga iyo caadooyinkaaga sax , si mustaqbalkaagu u noqdo mid saxan


Wednesday, October 11, 2023

Qormo caafimaad

 QORMO CAAFIMAAD IYO TALOOYIN

NADAAFADDA AFKA IYO ILKAHA (share u dheh asxaabtaada)

Hordhac,

Afka waa xubin muhiim u ah qofka bini’aadamka waa halka uu ku sameeyo xiriirka bulshada hadii ay ahaan lahayd hadal, qosol , dhoola cadeyn , waxa la dhihi karaa waa mid ka mid ah muraayadaha sawira qofka shaqsiyadiisa, 


Qaab dhismeed ahaan waxa uu ka koobanyahay faruuryo (bishimo) ilko, miciyo, gowsas, carrab, qanjiro, dhanxanag, xuubab jilicsan oo ku dahaaran wareega afka.


Afka waxaa ku Nool ilma aragto sida bacteria iyo kuwa kale oo gaaraya in ka badan 700 oo noole, oo ku Nool PH-ka afka ama heer cimileedka afka , bacteriyadaas inta badan ma sababto wax dhibaato ah hadii ay ku sugantahay dheeli tirka loogu tala galay( perfect balance)

Si loo dheellitiro bakteeriyada afka, waxaa lagu talinayaa in la badsado cunnooyinka qaniga ku ah maaddooyinka sunta ka hortaga, sida miraha iyo khudradda


Waxaa jira dhowr shey oo sababa in bacteriyada afka ay keento dhibaato waxana ka mid ah


1.Nooca cuntada qofka uu cuno

2.Heer kulka afka 

3.difaaca jirka qofka

4.heerka nadaafadda iyo joogteynta

5.caado dhaqameedka/ aaminsanaan dhaqan


Dadka qaar ayaa ka sheegta in ciridka dhiig ka yimaado( gum bleeding) marka uu cadaysanayo ama ciridka in uu qodmo oo nabar uu ka sameysmo(caries,or gingivitis), dadka qaar ayaa ka sheegto afka in uu soo uro (Bad breath), dhamaan intaas oo dhan waxaa sababi kara inta shey ee aan kor kusoo xusnay.


Nadaafad xumada afka ma horseedi kartaa xanuun khatar ah? 


Bakteeriyo aan caadi ahayn oo ku dhalata afka ayaa lala xiriiriyaa xanuunnada beerka, kilyaha oo howlgab noqda, cudurrada wadnaha iyo kansar. Xanuunka afka waa albaabka bakteeriyo ku dhalata mindhicirrada iyo qeybaha kale ee jirka


Sidee looga hortagaa cirid dhiiga/ af urka 


Waxa wanaagsan marwalba in aad la xiriirto dhakhtarka afka iyo ilkagaha si loo baaro sababta kadibna daawada iyo talada ku habboon aad u waafajiso , 

Waxaase jira dhowr talo oo waxtar u leh si guud waxaana ka mid ah

 

1. In la cadeeysto afka subaxdi marka uu waaga baryo 

2. In la cadeeysto afka habeenki marki aad seexan rabtid oo wax cunno iyo cabid dambe aysan kuu dhimaneyn

3. In aad iska yareyso cuntada ay ku badntahay sonkorta iyo kaarbohaydrateska 

4. In aad joojiso isticmaalka cadayga caadiga ah ee aad isticmaasho kuna bedel buraash 

5. In aad bedesho qaabka cadaysiga oo aad horey u cadayan jirtay , tusaale waxa aad u cadayanee adigoo ciridka iyo ilkaha halka ay iska galaan qaab findhicilin ah u cadayanaya si tartiib ah si aad usoo bixiso wixii raashin ah eek u jira daloolada u dhaxeeya ciridka iyo ilkaha dhexdooda.

6. In aad bedesho daawada aad ku cadayato labadii asbuucba mar , si looga fogaado in bacteriayada ay barato nooca hubka ee aad u isticmaasho takhalusideeda.


videogan kaga bogo qaabka caafimaad ka leh ee loo cadayado.

Video #credit @ottowa.ca/dental

Friday, September 22, 2023

Haweeney jirta 112 Sano

 

10 sifo oo Keena caafimaad waara

1.Nutritious diet .(Cunto nafaqa leh) Sida miraha nuucyadooda , khudaarta, kalluunka.

2.Stay Hydrated. Marwalba biyo cab , biya cabidda badan waxay jirka ka saartaa sunta , sido kale maqaarka ayay ifisaa 

3.weight control. Oo ah cayilka in la xakameeyo 

4.Regular Exercise.jimicsi joogto ah ha ahaado socod , ama dabaasha , 

5.Quality sleep. Oo ah hurdo kugu filan waxaa wanaagsan 24 saac kasta in aad 8 hours ka hurudaa , taas ayaa ka qayb qaadata in jirkaagu Dib u so dhalin yaraado(rejuvenating body

& mind) 

6.Stress Management.oo ah in walwalka la xakameeyo, waxa ka mid ah inaad neef ama hawo qaadato, isla markaana aad tagto meelaha degan oo hawada leh , iyo in aad sameyso waxa aad jeceshahy (engaging hobbies you love )

7.Social connections.oo ah in aad leedahay xiriir bulsho sida saaxiibo iyo family, taas ayaa qayb wayn ka qaadata deganaanta maskaxda 

8.Regular Check-ups. Oo ah in aad marwalba caafimaadkaaga la socto oo aad isbitaalka tagtaa sanadki mar adigoo aan jiro qabin xitaa 

9.limit harmful habits. Oo ah inaad xadido caadooyinka halista keeni kara sida Sigaar cabidda , khamri cabidda.

10. Continue learning.oo ah sii wadida wax uun inaad barato , sida inaad buugaag akhrisaa,