Thursday, March 20, 2025

Safarkii Cimrada ee 2025

  








Ilaah ayay mahad oo dhan u sugnaatay oo sanadkan 2025 bil ramadaan ii sakhiray inaan ku soomo xaramka isla markaana ku cimreysto , kana cimreeyo waalidkii I dhalay iyo waalidiinta aan salaadda iga jebin , 


Intaas kadib safarkayga dhowr qodob ayaan kasoo bartay 


1.waxan soo arkay culimo salaadda na dujisa oo u duceeya marwalba Dalkooda ,madaxdooda ,  Ciidanka xuduudahooda ilaaliya 

2.Waxan soo arkay meel khushuuc iyo naxariis ku beereysa qalbi walba ee halka yimaada 

3.waxan soo arkay waddan leh qorshe fog oo boorarka waddanka sucuudiga waxad ku arkeysaa (2030 vision) oo ah jiigsiga 2030 oo maxay hiigsanayaan ?


Waxay hiigsanayaan in 2030 dalkooda uu gaaro isku filnaasho oo aan waxba ay dibadda oga baahan 

4.waxan soo arkay dad marki salaadda ay dhameeyaan is salaama oo is marxabeeya oo aan hadana is aqoon , waxayna si sax ah u hirgeliyeen Sunnada nabigeen "scw" ee ahayd ma idiin sheegaa shey hadii aad sameysaan aad isjeclaan doontaan , waa salaanta ee salaanta ku faafiya dhexdiina .


5. Waxan soo arkay dal dhisan oo leh waddooyin aad u waawayn , buundooyin (kubri) , dadka iyo madaxda dalkaan ma aysan dhicin canshuurti umadda , ma aysan lunsan hantida umadda , taa bedelkeed wixii hanti ay lahaayeen iyo tii umadda waxay geliyeen dalkooda , 


Ilaahey ha u siyaadiyo nabadda iyo barwaaqadda , 


Annaga oo soomaali ahna allaha hanaga saaro dhibta colaadaha , xaqqa allaha nagu toosiyo , quluubteenna allaha mideeyo 

Thursday, February 13, 2025

Doorasho Qof iyo Cod Soomaaliya ka dhici doonta ?

 Doorasho qof iyo cod ah macnaheedu waa in muwaadinka uu goaan ka gaaro oo uu doorto qofka ama xisbiga ku matalaya maamulidda dal ama wadan, 

marki soomaaliya la joogo waxaa jira oo lasoo maray marxalado kala duwan oo ay soo martay dowlad dhiska soomaaliya oo maalinba meel ayay soo joogtay , 

sanadkaan 2025ta waxaa taagan doodda ah doorasho qof iyo cod ah oo loo dhanyahay ma dhici kartaa mise ma dhici karto, 

doorashooyinki ugu dambeeyay waxay ku magacaabeen doorasho dadban  oo macneheedu yahay in kuraasta xildhibaanada ay soo doortaan ergo kooban  oo lagu soo xusho qofka hadba inta ay la egtahay lacagta uu heysto iyo sida uu ugu dhowyahay qofka wadanka maamulo xiligaas ,

sidoo kale isla xildhibaanadii qaabkaas kusoo baxeen ayaa soo dooranaya Madaxweyne iyo guddoon baarlamaan,  iyagoo hadba u eegaya kii ay u arkaan inuu ka shaqayn kara dantooda shakhsiga ah ,

 Soomaaliya Doorasho qof iyo cod noocee ah ayaa ka dhici rabto 

 waxaa kaliya la kordhin doonaa tirada shacabka ee soo dooranaya xubnaha baarlamaanka laakiin waxba iskama bedelin qabiiladii kuraasta haystay iyo kuwii kuraas la'aanta ahaa 

mar hadii sidaas tahay waxa meesha ka baxaysa raja gelinta aan xaqiiqda ku saleysneyn ee ah Qofwalba wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto !

hadii qofkaan la dhaho adiga qabiilkaaga kursi kuma lahan baarlamaanka sidee ayuu uga qayb qaadan karaa doorasho qof iyo cod ah isla markaana uu u heli karaa qof matala ?