Fadlan dhaqankaaga iyo caadooyinkaaga sax , si mustaqbalkaagu u noqdo mid saxan
Mareeg lagu soo bandhigo Aqoon Caafimaad, Bulsho, Dhaqan, Diin, Fikir, Fan iyo Sheekooyin, Wacyi gelin bulshada dhanka wanaagsan in wax laga tuso
Wednesday, October 18, 2023
Wednesday, October 11, 2023
Qormo caafimaad
QORMO CAAFIMAAD IYO TALOOYIN
NADAAFADDA AFKA IYO ILKAHA (share u dheh asxaabtaada)
Hordhac,
Afka waa xubin muhiim u ah qofka bini’aadamka waa halka uu ku sameeyo xiriirka bulshada hadii ay ahaan lahayd hadal, qosol , dhoola cadeyn , waxa la dhihi karaa waa mid ka mid ah muraayadaha sawira qofka shaqsiyadiisa,
Qaab dhismeed ahaan waxa uu ka koobanyahay faruuryo (bishimo) ilko, miciyo, gowsas, carrab, qanjiro, dhanxanag, xuubab jilicsan oo ku dahaaran wareega afka.
Afka waxaa ku Nool ilma aragto sida bacteria iyo kuwa kale oo gaaraya in ka badan 700 oo noole, oo ku Nool PH-ka afka ama heer cimileedka afka , bacteriyadaas inta badan ma sababto wax dhibaato ah hadii ay ku sugantahay dheeli tirka loogu tala galay( perfect balance)
Si loo dheellitiro bakteeriyada afka, waxaa lagu talinayaa in la badsado cunnooyinka qaniga ku ah maaddooyinka sunta ka hortaga, sida miraha iyo khudradda
Waxaa jira dhowr shey oo sababa in bacteriyada afka ay keento dhibaato waxana ka mid ah
1.Nooca cuntada qofka uu cuno
2.Heer kulka afka
3.difaaca jirka qofka
4.heerka nadaafadda iyo joogteynta
5.caado dhaqameedka/ aaminsanaan dhaqan
Dadka qaar ayaa ka sheegta in ciridka dhiig ka yimaado( gum bleeding) marka uu cadaysanayo ama ciridka in uu qodmo oo nabar uu ka sameysmo(caries,or gingivitis), dadka qaar ayaa ka sheegto afka in uu soo uro (Bad breath), dhamaan intaas oo dhan waxaa sababi kara inta shey ee aan kor kusoo xusnay.
Nadaafad xumada afka ma horseedi kartaa xanuun khatar ah?
Bakteeriyo aan caadi ahayn oo ku dhalata afka ayaa lala xiriiriyaa xanuunnada beerka, kilyaha oo howlgab noqda, cudurrada wadnaha iyo kansar. Xanuunka afka waa albaabka bakteeriyo ku dhalata mindhicirrada iyo qeybaha kale ee jirka
Sidee looga hortagaa cirid dhiiga/ af urka
Waxa wanaagsan marwalba in aad la xiriirto dhakhtarka afka iyo ilkagaha si loo baaro sababta kadibna daawada iyo talada ku habboon aad u waafajiso ,
Waxaase jira dhowr talo oo waxtar u leh si guud waxaana ka mid ah
1. In la cadeeysto afka subaxdi marka uu waaga baryo
2. In la cadeeysto afka habeenki marki aad seexan rabtid oo wax cunno iyo cabid dambe aysan kuu dhimaneyn
3. In aad iska yareyso cuntada ay ku badntahay sonkorta iyo kaarbohaydrateska
4. In aad joojiso isticmaalka cadayga caadiga ah ee aad isticmaasho kuna bedel buraash
5. In aad bedesho qaabka cadaysiga oo aad horey u cadayan jirtay , tusaale waxa aad u cadayanee adigoo ciridka iyo ilkaha halka ay iska galaan qaab findhicilin ah u cadayanaya si tartiib ah si aad usoo bixiso wixii raashin ah eek u jira daloolada u dhaxeeya ciridka iyo ilkaha dhexdooda.
6. In aad bedesho daawada aad ku cadayato labadii asbuucba mar , si looga fogaado in bacteriayada ay barato nooca hubka ee aad u isticmaasho takhalusideeda.
videogan kaga bogo qaabka caafimaad ka leh ee loo cadayado.
Video #credit @ottowa.ca/dental